gabay ka hadlaayo xaladda somali
#gabay abwaan Jamac kadiye
Suugaan haddaad tiriyey soo gabay sameyneyso
Iska seyri ma'ahoo ku doon saa anaa iriye
Sowdka iyo hadalkaaga waa in ay sugnaadaane
Sumcaddaada kii burinayee cudur sameynaayo
Waa in aad suntiyo laaxinkiyo suruqda diidaaye
Hadhoow midaan lagaa siisaneyn hausadiidiyine
Waxii sababay waa in aad tilmaan sugan ku sheegtaayeee
Suaashana jawaabteeda waa in aad sifeysaaye
Sowdiyo siifta saantiyo lafaha amasa saableydu
Sidey kala yahiin waa in aad sahal ku dhaaftaaye
Ilaahey sujuudiisa waa in aadan sii deyn
Waa inu magaca soomaaliyihi kula sarreeyaahe
Dadkani waa sokeeyee haddii aad sowsow garanweyda
Waa in aad iskaba saamaxdaa aad u samirtaaye
Abwaan seexday suugaan yaqaan seegay marinkiisu
Markey suruqda xaajadu ninkii qariya sowdkiisa
Samatalis ninkii aan u noqon danaha soomaali
Sah qabow ayaantuu arkana sacab ku taageeray
Sambuusihii laga aadamay buu la siiryahayeee
Hadiise uu samaan xuni dhacoo siiga iyo qiiq leh
Uu maalku kaawada sugmay ee aad seexan kariweysay
Dadkoo silicsan noloshoo siloon oo la saxariiray
Waxii suunka xoolaha harayo caata soco waayo
Dhulkoo saxarleh sama xaaluftoyoo siir ka bixiwaayay
Sacabada wax loo dhiganayaa saqigi weynaaye
Wax ilaahey laga saadsadaa sana barwaaqaade ee
Cirkoo seeman samadaan daruur meelna laga saarin
Dirirkii sagaal iyo haddey deydo saranseerto
Seermaweyda loo baahday iyo sagalkiyoo raacay
Subax kala hadduu muujiyoo sugul madow yeesho
Waxaad sara u eegtaba hadduu saa ku di'iwaayo
Sacabada wax loo dhiganayaa saqigi weynaaye
Wax ilaahey laga saadsadaa in uu siiyaahee
Saxal iyo bukaan raagay oo siibay hilibkaagi
Saantiyo laftoo kugu dhagayoo salayo aad moodo
Haddaad sarara waaweyn laheyd adiga oo suuqmay
Seyniskiyo wadaadkii sariyo suxufiigii faalku
Waxkastey sameeyaan haddi lagu sanceey waayo
Sacabada wax loo dhiganayaa saqi weynaaye
Waxaa ilaahey laga saadsadaa caafimaad suganee
Saacida eebbiyo haddaad guur u salab qaado
Haddii gabar suleeqa ah ilaahey gacanta kuu saaro
Saldhig fiican iyo reer haddii saba ku xooleyso
Si degdeg ah in ay wax u dhashaa loo sed tiriyaahe
Salfudeyd hadduu kugu dhacaad, aad u sugiweydo
Sacabada wax loo dhiganayaa saqigi weynaaye
Waxaa ilaahey laga saadsadaa sabiyo qeyraadee
Sulufaad colaad ah iyo sagaal sifadii hoog leh
Sumacoo la niishaamay iyo saanad ololeysa
Safsaf leesu weerara hayiyoo sulufi go'onaaya
Sokooya iyo xidid leeysu dilay amasa saaxibo
Waxkastaad sameysaba haddey nabaddu seerowdo
Sacabada wax loo dhiganayaa saqigi weynaaye
Waxaa ilaahey laga saadsadaa in ay samaataayee
Gobannimadu waa waxan lasiin saan madoobahaye
Sinjigaa afrikaankeynu nahay waa siloonyahaye
Haddaan laga sarreyn dowladnimo sugan magaaraane
Igaa lasoofeynayaa leysna surayaaye
Saraakiil haddii laga dhigoo loo sandala dhiibo
Safaad bey ku eedaamayaan malaha siiraace
Malahey sabahan bey dhasheen oo waxbaa si ahe
Marse haddii sharciba laga sabroo xeerba soconwaayo
Sawirkaba haddii aad weydid iyo calankiyoo saaran
Sacabada wax loo dhiganayaa saqigi weynaaye
Waxaa ilaahey laga saadsadaa maamul saalixa eee
Waxaanse suurta gal aheyn haddii aan yarahe saafsaafo
Sideed baarqab oo geel ku jira oo lawada saantay
Oo dhabida wada seyrayoo micida soofeystay
Midba inuu sarreeyo kankale sababa doonaayo
Oo aan lakala soocinoo xera kusoo horyday
Marna dhaqanka soomaaliyeed kuma saleysneene
Waxaa siday sabaan aakhirkan. oo waad lasocotaane
Sodon qoys soon wada dagaa seera kala oodin
Aan midabku kala soocminoo diini kala saarin
Sinjiyo absowd iyo aqoon sowrac iyo xaajo
Iyo magacba siman oo dhammaan tol iyo saaxiib ah
In siyaasad lagu qeybi'iyo sixir ku iidaamay
Oo uu saqiirkiyo illaa seyn caduhu waasho
Marna dhaqanka soomaaliyeed kuma saleysneene
Waxaa siday sabaan aakhirkan oo waad lasocotaanee
Dad siyaasi wada sheegtay iyo suxufiyiin miiran
Sargaalnimana wada doona'iyo sado in loo dhiibo
Sagaal taliyo madaxweynayaal saami kala yeesha
Sandulana kuwada doonayaan seeja lagu dooran
Oo suruc qabiil iyo watiyo damac ku seynsaaban
Marna dhaqanka soomaaliyeed kuma saleysneene
Waxaa siday sabaan aakhirkan oo waad lasocotaanee
Sawsawgeena aadmigu ka yaab oo la sixiwaaye
Haddii sinnaan wax lagu qeybsadoo leysku saaweeyo
Sarrifkiyo dhaqaalaha haddii meel lawada saaro
Oo aan sumuni dheeri'iyo saaid ka raacin
Qofba saamigii uu helay haddii aan laga sagsaageynin
Ummaddeeni saxal baa ku dhacay siibay dhaqankiiye
Sabaalada xaqsoorkiyo wacdigu solibamaaye
Seddexdiiba laba ruux intaa weysanqanayaane
Sharci sugan haddaan loo sameyn laguna seeteeyo
Sanca kalaba waa been in ay saani noqotaayeeee
Surbacaadin mooyiye dantii loo saburiwaaye
Sad bursiimo kaliyaa dhaha loo sallaxayaaye
Siyaadaa lawada doonayaa siiya reer hebale
Sidiq samada yaallaan arlada wali lasoosaarin
Sacabadana aan cidi ku hayn leyskuwada seegye
Sandalada ilaaah baa baxshoo siiya aadmigaye
Sajac aa ladoortiyo kursigu qolo masooraane
Hebal baa sarreynta leh maxaa loogu wada suuxay
Негізгі бет Abwaan jamac kadiye gabay siyaasada somalia
Пікірлер: 2