HEESTA: Adduun Waa Wareeroo
ERAYADA: Maxamuud Cawil Cusmaan (Tuunyo)
CODKA: Axmed Mooge Liibaan
LYRICS: DHUGMAAL LYRICS
QORAALKA HEESTA (LYRICS)
✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍
Adduun waa wareeroo
War iyo sheekaa ka hadha
Qofnaba kuma waarayee
Wadkuna waa lama huraan
Wadaadka wax waansha iyo
Wabiinka munaafiqii
Wahey walalawga iyo
Wacnaan waa u siman yihiin
Wixii hore aadmi iyo
Walaac aan sooba arag
Wadhida hore aan u baran
Miyuu wax ka garan karaa ?
Hadaan wacanay ku idhi
Adigu waajibkaaga gudo
Miyaad waligaa is odhan
Adiyo wehelkaa ha jiro ?
,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
Wadaaguhu waa ardaa
Weedhiyo hadalkaa is wada
Waanana dhalanbaa ka adag
Wadadu way xidhan tahee
Nasiibku ma waalan yahay
Xaggee buu igu wadaa
Gantaasha i wiiqday iyo
Hoheey labadayda wiil
Wixii hore aadmi iyo
Walaac aan sooba arag
Wadhida hore aan u baran
Miyuu wax ka garan karaa ?
Hadaan wacaney ku idhi
Adigu waajibkaaga gudo
Miyaad waligaa is odhan
Adiyo wehelkaa Ha jiro ?
#dhugmaal_lyrics #mooge #axmed_mooge
Негізгі бет Музыка axmed mooge aduun waa wareer | aduun waa wareer | aduun waa waree roo | heestii aduun waa wareer oo
Пікірлер: 49