1. Cabdi Gahayr
Sidii aar hilbii laga kacshay oon weli hamuun goynin
Waayadan higgaa igu go,doo waan hamaansadaye
Haab haabashaan ahay waxaaan heli se mooyaane
Geelaa hudheelluhu watee Hadhiye maalaayo
Ee labada haydhaaf waddee Haydhki Cadan joogo
Hawl laawahaasaan arkaye ma hunguroodeene
Iyadoo hirkaa iyo hirkaa halab ka reemaysa
Iyadoo haleeliyo hor weyn wada hillaacaysa
Hayb yeelataba xerada waan ku hubsan dooneeye
Habar.yoonis iyo ciidagale labada haamoodba
Halkanay ka dhawdee tolkay wey hagranayaane
2. Xasan Tarabbi
Cabdiyoow waxaad heli kartaa la hungureeyaaye
Adigoon waxbaba haybsan baad hurisay duulaane
Hanti kaa yaraataad is tidhi buuxso haamaha'e
Talose waxay hagaagtaa markii la hojiyaa wiige
Kol haddii horruun loo dhufsado waa hogaan go'aye
Nimaan u hubsani haadaan ka duul oo hubanti weeyaane
Hadimaa tolkaa kugu qabaa taadu waa hadure
Heeraha libaaxuba hadduu hilib u gaajoodo
Isagoo hamuun qaba hadduu hamaga neef saaro
Muska ku hakan maayee hadday oodu hanan weydo
Haluu dilay hangool lagu dhuftuu kaga hagaaye
Cirkaadse haabanaysaa adoon hadal la gaadhayne
3. Cumar Austraali
Abidkiiba waa haysan jirey Hadhiye geel weyne
Haddii anay halkaa iyo ka dhalan haybti Sacad Muuse
Hoobaan la moodyeey xeryaha laguma haysteene
Halyeeygii ducaaliyo xirsaa ugu hanweynaaye
Hadhgalaybaa laga diray illeen heeshigaa dhalaye
Hadal waad kafaysaan Isaaq tobanka haamoode
Abidkiinba kuma hiil baxdaan halaca maadhiine
Huwanbaan ogaa oo dagaal kuma hagaagtaane
Hawhawda iyo faanku waa himiladiiniiye
Anna hawlle iigama duwana hurinta Daa'uude
Hitlarbaad ismoodaan markaad halaha maashaane
Abtiyaal wax aydaan helayn ha isku hiifina'e
Halba aniga oo nin u dilay oo habelna dheeraaday
Habeen keliya waataad Dannood soo hitiqiseene.
4. Xasan Tarabbi
Cabdallahan yaryari xoolahay celin yaqaaniine
Casar weerar iyo mayagaa caydh is garanaaya
Cabbaniyo Makaahiil miyaa cid iska riixaaya
Ma Cismaannadaa kula batay iyo Caliyo reer looge
Cusbadii Jaboutiyo kuwii cawda guranaayey
Dadku waa is wada caayayaa ee Cumar ma noo faanay
Ma cuwaaflahaan qarinayuu caawa ii tiriyey[9]
5. Cumar Austraali
Abidkiinba wadaad qaawiyaa, qayd idiin lula e
Qoorweynta reer Sacad hadaan, qabarka gadhsiiyo
Qolmadoobe iyo Cayn hadduu, qiiqu kor u duullo
Qudhoon kaa jaro iyo naftood, qariso mooyaane
Qaaxada ninweyn oo dhurwaa, qodayo mooyaane
Qolqolada nin joogoon abtow, qarinno mooyaane
Qareen iyo xigaalkaynu nahay, ood qirato mooyaane
Qowsaarro tobana oo hilibaha, qalaya mooyaane
Qoraxay Ogaadeen haddaan, laga qareen raacin
Haddaan nabada waad quudhsatee, qaali lagu doonin
Qosolkiyo haddaan Tarabiyow quruxdu beenoobin.
6. Yuusuf Cabdalle Muuse
Usha haddaan ku taabtoon Subeer colugu eedaamoAbeesaduna waa dhiman lahayd wax akulaysaayeUgaadhuna ma noolaan karteen egenka joogtaayeAdduunkiinnu nama kaafiyeen laba ayaamoodeAfka nooma buxshaan waxaad ku intifaacdaaneWaxuunbaad amsiisaane ulay ma jeexdaaneIlmaadeer haddaynaan ahayn kuma ilaasheeneUlageluhu (baarqab) kuma roorsadeen ugubka qaalmaayeHaddaa dirir awooddeed qabtaan Arabba waa kaaseImikaan ardaa loo ogeyn ila xidh mooyaane
Негізгі бет Cabdi Gahayr | Cumar Australi | Xasan Tarabbi | Yuusuf Cabdalle Muuse
Пікірлер: 7