Heesta : miyaan xaalba kugu go'in
Heesaaga : AUN Cumar Shooli
LYRICS: DHUGMAAL LYRICS ✍️
QORAALKA HEESTA (LYRICS)
Naa ma garan
Waxaan gudoo ?
Naa ma garan
Waxaan galoo ?
Ma garwaaqsan tahay ?
Gabadh waa la noqon jiray
Guudna waa la daban jiray
Gayaanna wuu imaan jiray
Guurna waa dhexmari jiray
Gardarrida ina abteey
Miyaan xaalba kugu go'in ?
*************************
Geenyayahay waxaa tahay
Taan gacanta siiyay
Geedka aan u waabshay
Gacalnimo ha fududeen
Garashada ha baal marin
Jacaylkana ha kala gadin
Guushana ha kala dhimin
Gardarrida ina abteey
Miyaan xaalba kugu go'in ?
#dhugmaal #dhugmaallyrics #dhugmaal_lyrics
Негізгі бет cumar shooli hees | gardarrida ina abtaay miyaan xaalba kugu go'in | cumar cabdulle shooli
Пікірлер: 1