HEESTA: BARASHO
ERAYADA: C/LAAHI XUJO
L. & CODKA: CUMAR SHOOLI
LYRICS : DHUGMAAL LYRICS
QORAALKA HEESTA (LYRICS )
✍️✍️✍️✍️✍️✍️✍️✍️✍️✍️✍️✍️
Barigaan is baraniyoo
Bila dhowra gabaryahay
Anigoon hurdada boggan
Bidhaantaada oo qudha
Anigoo u biseeloo
Baal dahabi ii tahay
Jaceylku waa balaayee
Bogga iyo wadnaha iyo
Anoo beerka kaa jecel
Boholyow daraadii
Anoo baligubyoodoo
Heesaha baroorta ah
Boosto kuugu soo dira
Hawada been u sheegaa
Beytkii aan gali laheyn
Anoo badi habeeyay
Aroos kuula beegsaday
Ayaad laba bogleysoo
Bal xasuuso inanyahay
Taariikhda dib u baar
Ha ka sheegin beennoo
Gayaankeyga oo badan
Hablaha baarka fidhaa
Inaan kaala soo baxay
Waataan goor barqaa
Bishu tahay laba iyo toban
Bilaahi dhaarta kuu maray
........................................
Anoo hadalka sii badin
Buuraha anoon korin
Baddana kaaga sheekayn
Halka ay u badatee
Murtiduna biyo dhigaysiyo
Aan kuu taabto boogtee
Buuggii aan u qoray baad
Baalaha ka jeexdoo
Beertaan abuuree
Dhibka badan u maray baad
Midhihii kasoo baxay
Ayagoon bislaan wali
Cagaf-cagaf ku beegtoo
Markaan baal kastaba dayay
Ama baaray hawlaha
Ka bilaaw haddeeroo
Balankaan lahayn iyo
Baaqii inoo yiil
Halkaasuu ku baaba'ay
Anna waan isaga baxay
Allahumaa balaqtu
Barashiyo walaalnimo
Waa inoo barteedee
#dhugmaal_lyrics #shooli #cumar_shooli
Негізгі бет cumar shooli heesta barasho lyrics , shooli heestii barigaan is baraniyo , cumar shooli hees lyrics
Пікірлер: 1