Heesta: Sidirigam
Erayada: AUN Maxamed Cali kaariye
Laxanka: AUN Xasan Sabriye Afrax
Kabanka: AUN Daa’uud Cali Masxaf
Luuqda: AUN Daa’uud Cali Masxaf , heestan waxaa horay u qaaday Xasan Aadan Samatar
Lyrics: Dhugmaal Lyrics
Qoraalka ✍️ Heesta (Lyrics)
Goodkiyo Abeeskoow 🐉🐍
Gucumaale Aaroow🦁
Wiyishaa Gadooddee🦏
Geeska Rayska Galisaay
Gerigiyo Haldhaagoow
Galowgiyo Shinbirahoow
Garasho Seed U Leedihiin
Caashaq Ma idin Galay Wali
Labo Gacal Ahaayoo
Kala Gooyeen Waayuhu
Gargaar Ma U Taraysaan?
Ma isu Geyn Karaysaan?
Galaan-Goolleey
Gef Bay Baratee Siddiri Gam
Hadday Gabadh Tahay
Anaa geeyee Siddirigam
************************
❤Haddii Aan go'doomoo
Gaari Waayay Taan Rabay
Gar Bay Noqotay Caashaqa
Inaan Dabo Gurguurtee
Xagga Gebi Xagguna Gebi
Gudcur Daaha Soo Rogay
Gaashaan-Qaad Habaabiyo
Gulufoow Dhul Kuu Siman
Gurmadkaygu Weeyee
Geedahaan Ka Baqayaa
Goormaan Socdaa
Xaggeen Gaari Karayaa?
Galaan-goolleey
Gef bay baratee siddiri gam
Hadday gabadh tahay
Anaa gaya ee siddiri gam
#dhugmaal #dhugmaallyrics #dhugmaal_lyrics #hees #heeso #heesta #heestii
Негізгі бет daauud cali masxaf sidirigam | kaban qaaci | galaan gooley | haday gabar tahay | sidiri gam samatar
Пікірлер: 6