Heesta : Dawadii Naftaydaay
Erayada : Maxamed Cali Kaariye
Codka : C/naasir Macalin Siciid
Lyrics : Dhugmaal Lyrics
QORAALKA HEESTA ( LYRICS)
✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍
Dawadii naftaydaay
Dadka taan ka doortaay
Sow inaan ku daawado
Dal dheer ugama soo kicin
Dumar haygu noqonine
Sidaan kaaga daba dhacay
Inaad ii daryeeshaa
Waan kaa danbeeyaa oo
Door waxaan idhaahdaa
Duni lama ammaanee
Dahab weeye gabadhuye
Malaggii ku dilay iyo
Sidaan ahay dabaylaha
Dadka kala dhantaala
Ii diidey hadalkee
Inaad daah i saartayoo
Kaligaa dakaysaa
Waxaad damacday maahee
Miyaa la igu kaa diray ?
...................................
Adigaan da'daadana
Kaa daawaanayoo
Damqashada jidhkaygiyo
Siduu caashaq ii dilay
Alle daa'in weeyee
Sow kuguma soo dago
Waan kaa danbeeyaa oo
Door waxaan idhaahdaa
Duni lama ammaanee
Dahab weeye gabadhuye
Malaggii ku dilay iyo
Sidaan ahay dabaylaha
Dadka kala dhantaala
Ii diidey hadalkee
Inaad daah i saartayoo
Kaligaa dakaysaa
Waxaad damacday maahee
Miyaa la igu kaa diray ?
,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
Kuwa nala da'daahuna
Waa is doonanaayaan
Inaguna daleeshiyo
Darbiyadaan wareegnaa
Doqonimana weyaan
Aan kala doorano
Waan kaa danbeeyaa oo
Door waxaan idhaahdaa
Duni lama ammaanee
Dahab weeye gabadhuye
Malaggii ku dilay iyo
Sidaan ahay dabaylaha
Dadka kala dhantaala
Ii diidey hadalkee
Inaad daah i saartayoo
Kaligaa dakaysaa
Waxaad damacday maahee
Miyaa la igu kaa diray ?
#dhugmaal_lyrics #cabdinaasir_macalin
Негізгі бет Музыка dawadii naftaydaay | dadka taan doortay | dahab weeye gabadhuye | c/naasir macalin siciid | qaraami
Пікірлер: 4