Bishii August ee Sanadkan 2016 waxaa safar lama filaan ah maanka Malyuumaad qof oo Soomaaliyeedna wali kasii guuxaya Magaalada Jigjiga ee Xarunta Gobolka Faafan ee dhulka Somali Galbeed ee Ethiopia Gumaysato ku tagay Xassan Sheikh oo noqday Madaxweynahii ugu horeeyay ee Taariikhda Ummada Soomaaliyeed booqasho ku taga Dhulka Ethiopia Gumaysato ee Ogaadeenya Afkiisana ka qira in Somali Galbeed ay tahay Dhul Ethiopia leedahay!
Hadaba waxaa Ficilkaasi foosha xun ee Hassan Sheikh Mohamoud si weyn uga dhiidhiyay Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed ee Ogaadeenya u dhashay Abwaan Ahmed Sheikh Ali (Abwaan Heelaale) oo ah Abwaan Allaah u hibeeyay Xikmadda Suugaanta waxuuna Abwaanku arintaasi kaga jawaabay Gabay Cusub oo ugu magac daray “EY DHARAAR CIYAY” waxuuna Abwaanku Kabaha la dulmaray Hassan Sheikh Mohamud Iyo Ficiladiisii kala duwanaa ee uu ku kacay intii uu Xilka hayay ee ay Booqashadii Jigjiga Iyo Aflagaadadii uu gaystay ugu dambaysay.
voiceofsomalia...
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS
Негізгі бет DHAGEYSO:-Gabay Cusub Oo Abwaan Heelaale Dubka Kaga dhigay Xassan Sheekh“EY DHARAAR CIYAY”
Пікірлер: 22