Heesta: Marka Geelu Ubadkiyo
Codadka: Axmed Y. Digfeer Iyo Siraad Cabdulle
Qoraalka: DHUGMAAL LYRICS
qoraalka Heesta (Lyrics)
☆ Siraad Cabdulle ☆
Markuu geelu ubadkiyo
Ilmahiisa diidee
Ag fadhiisan waayee
Geedaha ugbaadka ah
Uu eegi waayee
Indhaha uu ka laliyee
Ololee habeenkii
Kolba oodda jabiyee
Amakaago kii waday
Siduu ugu arrimin jiray
Uurka waxaan ku haystiyo
Halkaan aa ka leeyahay
Rag waa kii aqoon'lee
Ammaad garan abboowow?
☆ Digfeer ☆
Marka uu alleylkii
Uugaabo geeluyee
Awrtu qooqi weydee
Abeerkiisa naaxiyo
Aarankiyo qaalmuhu
Af dhuubleyni waayaan
Jeel bay la oloshoo
Oho baa la odhan jiray
Carra uu iligta saariyo
Darab baa lagu ekayn jiray
Uurku baalle maahiyoo
Halkaad aa ka leedahay
Ma ogaaan karaayee
Ujeeddadaada ii sheeg?
☆ Siraad Cabdulle ☆
Arimmada jacaylkaan
La eedaadayaayoo
Laysku aamusiyaayee
Afkaan gacanta saaraa
Adkaysaan idhaahdaa
Haddana ways illaawaa
Orod baan is xaabshaa
Markaan kuu imaadaa
Eray layga waayaa
Indhaha hoos u rogayaa
Uurka waxaan ku haystaba
Kuu imide waykane
Arrintayda meel mari
Ergadaana waanee
☆ Digfeer ☆
Caqli iyo haweenku
Edebtaba ku kala tage
Indhahana u kala rooneey
Aniguna allaylehe
Hablaha aynigaaga ah
Taan ka eeganaayaay
Naftu adiga mooyee
Maba oga in gabadh kale
Adduunyada ku nooshahay
Adduunyada ku nooshahay
Taan u iilanaayaay
Uurka waxaad ku haysaa
Anna igu ogaataa
Jacayl igu abuurtaye
Inaan adkeeyo caashaqa
Uurka waxaan ku haystaba
Kuu imide waykane
Arrintayda meel mari
Ergadaana waanee
Uurka waxaad ku haysaa
Anna igu ogaataa
Jacayl igu abuurtaye
Inaan adkeeyo caashaqa
#qaaraami_lyrics
Негізгі бет Музыка Digfeer iyo Siraad Cabdulle heestii Markuu Geelu ubadkii Lyrics
Пікірлер