Xuseenow tabtaan ahay haddaad, tu iga weydiisay
Tiiraanyadeydaa ku dili, tabada'eediiye
Maandhow wax lama tuubsadee, toosi hadalkayga
Tabaalaha adduun baa ,kabadan timaha xaadeed-e
Toogada dhibaatee laga qabo, tarabka weeyaane
Ragba towsta waa kula qabaa, taaha urugeede
Tixdoo keliya talo looma filo, taawada adduune
Tammadkii wax lagu iibsadaan, taabud noqonayne
Tumun ribixa adigoo helaa, teelku kaa dhiciye
Wax la taabay tacab baaqday waa, tarantar seeraare
Taageerka sicir baa ku iman, teelgaraafyada e
Waxa taarka lagu soo waddayn, wa tis kuu qorone
Негізгі бет Gabay Sayid Maxamed Cabdule Xassan (Xuseenow Tabtaan Ahay )
Пікірлер: 12