Maxamed Cabdulle Cali (Gammuute) oo Beesha Habar-Jeclo ee Beelwaynta Isaaq wuxuu gabaygiisan Geella ay suugaanta ku xeeldheeri ku tilmaamaan inuu yahay gabay geel loo marsho kii ugu qiimaha badnaa.
Abaar xun baa dhacday markaasaa Gammute geelii u dhaadhiciyey Guban iyo dhul aanu weligiis arag. Nin ay walaala ahaayeen oo Cabdi la odhan jirey baa yidhi "War geeli aan had qabadsiino Gaadlayaal baa roobku soo joogaaye".
Gammuute oo geel dhaqashadiis ka niyad jabay ka dib markii gaalku gelelefo ee goor walba qabto ayaa marshey tixdan oo uu leeyahay "Gaadlayaal maxaa iiga dan ah inaan lacag dhaafsado ayaabaan maanka ku hayaaye". Wuxu noqday gabay Xeeldheer oo Abwaanku suugaanta geela kaalinta koowaad uga galay.
#maxamed_cabdulle_cali_gamuute
#abwaan_gamuute_habarjeclo
#gabay_garnaqsi_geela_gamuute
#ammaanta_geela
#haybada_geela
#gabayga_geela_gamuute
#dhaayomaal
#dhaayomaaltv
Негізгі бет Gabaygii Gar-naqsi ee Geela - Abwaan Maxamed Cabdulle Cali (Gammuute)
Пікірлер: 1