Soomaaliya waa dalka keliya ee uu geedkani ka baxo. Waxa uu si gaar ah uga baxaa gobolada Mudug, Doollo, Hiiraan, Galgaduud iyo Togdheer. Magaca geedkan waa geedka gudda ama gud. Miraha iyo iniinyaha uu soo saaro marka uu qaangaaro waxa loo yaqaan yicib - waa marka aad Mudug iyo Doollo joogtid ama jicib marka aad Hiiraan iyo Galgaduud joogtid.
Magacyada qalaad ee geedkan loo yaqaan marka laga soo tago afkeena hooyo waxa ka mid ah Yeheb-Nut, Yeheb, Yebb, Hebb, Ye'eh, Yi'ib iyo Yehib.
Geedkan qarniyo badan ayey reer guuraga Somaliyeed yaqaaneen. Sanadkii 1871 oo hadda laga joogo 152 sano ayaa nin sahmiye ah oo dalka Talyaaniga u dhashay oo lagu magacabi jirey Luigi Robecchi Bricchetti ayaa ogaaday jiritanka geedkan isaga oo dhulkaas gumaystihii Talyaaniga u sahminaya. Saynisyahanadii reer galbeedkuna waxa ay siiyeen magac jinsiyeedka ama generic name Cordeaux edulis.
Miraha yicibka waxa la cuni karaa iyaga oo la qalajiyey, la kariyey, la dubay ama iyaga oo cayriin ah. Waa miro macaan oo nafaqo u leh jirka. Waxa ay hodan ku yihin barootiino, kaarbohaydaraytyo, dufan, sokor, macdanaha ay ka midyihiin sodium, potassium, phosphorus iyo inyar oo calcium iyo magnesium ah. Dadka yaqaana aad ayey u jecelyihin. Wa tii ay ku mahmahi jireen fadhi iyo fuud yicibeed laysala waa.
Cilmi baarisyo kala duwan aya muujinaya in miraha yicibka ay daawo u yihin dhowr cudur oo ay ka midyihiin cudurada ku dhaca habdhiska dheefshiid iyo dhiig yarida ama anemia.
Geedka gudda waxa kale oo loo adeegsadaa dhismaha guryaha iyo xeryaha xoolaha maadaama uu adkaysi u leeyahay cayayaanada dhirta cuna sida aboorka.
Geedka gudda waxa uu ka midyahay dhirta ay xooluhu daaqaan gaar ahaan xilliga abaarta.
Waxyaabaha kale ee loo adeegsado geedka gudda waxa ka mid ah:
Shaah la cabbo ayaa laga samaysan karaa caleemaha geedka gudda ama sharaab ayaa laga samaysan karaa fuudka miraha marka la kariyo.
Saabuun ayaa laga samayn karaa saliida geedkan.
Midabka casaanka ah ee caleemaha gudda waxa loo adeegsan karaa in wax lagu midabeeyo.
Cayayaan dile ama cayriye ahaan.
In wax lagu karsado qoryaha geedkan.
Waxa qoray: Cabdullaahi Cabdirasaaq Axmed
Soo jeedinta: Cabdullaahi Cabdirasaaq Axmed
Негізгі бет Geed dhulkeena keliya ka baxa oo mucjiso ah! Geedka Gudda (yicibka ama jicibka)? dalaq dam
No video
Пікірлер: 14