Geelu xoolo kuma jiro dhaman soomalidu waa mid ay jacaylkiisa iyo siday uciseeyan ay kawada siman yihiiin 😢
@SuugaanSafaari
Жыл бұрын
LYRICS-: #PAGE: #1 Geellaa markuu dararan yahay Laba nin duug taaye Laba nin duugtaa Markay dirirohooraan Geeduhuna da'a joogaan Dalo wada irmaan baan Kugu diidin nirigtoo Godol debec sanaantee Gabno kuma daryeeshoo Marti kuuma deeqdoo Doobi Lagama buuxshee #Chorus:1 Geellaa markuu dara ran yahay Laba nin duugtaaye Laba nin duugtaa ×2 #PAGE:2 Dunidoo ah jiilaal Marka ay dameeruhu ILmahooda diidaan Isagaa wax daaqaba Ugu nolol dambeeyoo Diihaalka gaajada Isagaa u dul qaatoo Abaar Kaaga doogee #Chorus:2 Geellaa markuu dararan yahay Laba nin duugtaaye Laba nin duugtaa ×2 #PAGE:3 Marka ay diraac tahay Dadku wada hayaamaan Dul waynoow ratigiibaad Aqalkoo La duubiyo Haamaha aad dul saartaa Culaus kuma dakaamoo Mana daayo socodkoo Guurahana ma daayee Chorus:4 Geellaa markuu dararan yahay Laba nin duugtaaye Laba nin duugtaa ×2 #Xasuustii AHN Sagsaag Alle yarxama
@faysaldhegajuun3618
Жыл бұрын
Geela 🐪 waa nooga duwan yahay xoolaha aan dhaqano, waana midka ay Somalidu ugu jeceshahay. Ma og tahay in geela kaligii 100 magac oo Af-Soomaali ah lee yahay 🧐. Aad paa u jeclahay heesaha dhaqankeena xoojinaya 🥰🤞.
@garaadmire7380
Жыл бұрын
Anigu waxan samaynaya camel zoo dhamaystiran ceel biyood ku dhexyaal baraago geela biyaha laga siiyo ku yaalan iyo barsado waawayn oo geelu harsado cunadana lagu siiyo xero wayn oo darbi wayn leh dhowr indood leh shaybaar refinery hospital geela lagu daweeyo oo isla meesha ku yaal beer wayn wabiga jiinkisa ku taal laga beero cayshka geelu cuno
@tuwa_sac
7 ай бұрын
Miiga maad iska aadid camel zoo uma na baahnidee
@tuwa_sac
7 ай бұрын
Geela sidiisa ba nolol soomaaliga iyo dhaqankooda ayaa qiimahan weyn u yeelaysa balse geel ag joogid un qof wax uma tarayso hadduu dhaqaalo ka samaynayo mooyee
Пікірлер: 8