HEESTA: Haduu Dhugato Geel Qabi
ERAYADA: Abwaan Calanle Muuse
LUUQDA: Maxamed Cali Burco
LYRICS : Dhugmaal Lyrics
QORAALKA HEESTA (LYRICS )
✍️✍️✍️✍️✍️✍️✍️✍️✍️✍️✍️✍️
Haduu dhugato geel qabo
Ma dhadhamiyo geedaa
Wuu gadaasha dhuubtaaye
Ana cudurka igu dhacay
Waa mid igu dhamaadoo
Waaba laygu dheeryoo
Ku dhadhabay aroosaan
Dhinacay isa saaree
Mal dhaayahaygaay
Calaf lagama dhuuntee
Kitaabaysu keen dhigay
Dhakhtar baysu keen qoray
Adna wali ma dhaadanid
Maydhanaanka geeliyo
Sida dhayda caanaha
Looma dhamo jacaylkoo
Laguma dhaashto caashaqa
Dhayal haw malaynine
Dhuuxiyo lafahiyo
Waa wax dhiiga kaa jaqa
Caafimaadka kaa jara
Mala dhaayahaygaay
calaf lagama dhuuntee
Kitaab baysu keen dhigay
Dhakhtar baysu keen qoray
Adna wali ma dhaadanid
Sida ruux la dhalaybaan
Kuu dhadhoodiyaayoo
Dhabta kugu hayaayoon
Dhibta kaa ilaashaa
Sida ruux dhalaanoo
Hurdo looga dhaartaa
Hadba dhinacyadiisiyo
Wadna kugu dhaweeyaa
Maladhaa yahaygaay
Calaf lagama dhuuntee
Kitaab baysu keen dhigay
Dhakhtar baysu keen qoray
Adna wali ma dhaadanid
#dhugmaal_lyrics #burco
Негізгі бет haduu dhugato geel qabo lyrics , maxamed cali burco heesta dhaqtar baa isku keen qoray , hees macaan
Пікірлер: 6