waagacusub.com - hees Baadigoob ,erayada iyo laxanka Dahir Alasow.
Riyadu xalay ila baxdoo
Boramaan u dalxiis tagoo
Bakiyo dila sii maroo
Barwaaqaa gobolka tiil
----
Bulshadu weey caweeynayeen
Calankooda bilicda wacan
Cadaan iyo Baluug buu ahaa
Bil iyo Xidig baa ku tiil
----
Miyaadan ballan aqoon
Bilaahi miyaad ogeen
Halkaad beeybi iiga taal
Mise qalbi waa bugtaa
--
Bukaan baan ahay dartaa
Bil dhamaatay kumaanan maqal
Boqol kaar soo gatoo
Telefoonku iima baxo
----
Berbera ,Sool iyo Sanaag
Hobyaan u baqoolayoo
Naftaan ku bogsii is iri
Beeraha mooskiyo cambaha
-------
Yarkaan u basaasayoow
Baadigoobkaan kuugu jiray
Baafinteeydii kuguma helin
Bidhaansina kuguma arag
---
Miyaadan ballan aqoon
Bilaahi miyaad ogeen
Halkaad beeybi iiga taal
Mise qalbi waa bugtaa
--
Bukaan baan ahay dartaa
Bil dhamaatay kumaanan maqal
Boqol kaar soo gatoo
Telefoonku iima baxo
---
Fanaan: Qaali Ladan
Erayo iyo Laxan
Dahir Abdulle Alasow
Music: Cabdi Xakiin Farayare
Негізгі бет Музыка Hees Baadigoob qaali ladan Official Video - Waagacusub Tv
Пікірлер: 15