Lyrics
------------
Xalay baan riyada
Qalbigay ruxmadayoo
Ka ribaday hurdada
.................................
Sida roob onkoday
Raxmadiyo biyuhu
Is reebreebayaan
Raha laaqiyaa
Uu dhawaaqa kala rogaye
Oo ramaaska baxay
Rucubada caleentalaaye
Ku raysteen dadkii
Aan kuu raadiyaa
Riyo igu fogaataan
Raad goobayee
U raaxee naftaan
Kuu raaligaa
Raxmad aawadeed
Dabayluhu Ruxaan
.............o0o............
Sida ramadka geel
Riirkiyo nirguhu
Isku reemayaan
Raxmad iyo jaceyl
Dhul reexaan udgoon
Ay is raacraacayaan
Oo ramaaska baxay
Rucubada caleentalaaye
Ku raysteen dadkii
Aan kuu raadiyaa
Riyo igu fogaataan
Raad goobayee
U raaxee naftaan
Kuu raaligaa
Raxmad aawadeed
Dabayluhu Ruxaan
.............................
.............................
Video : www.pexels.com...
In case of any copyright infringement complains, kindly email us on:
Maadeystube@gmail.com
Негізгі бет HEES | U RAAXEE NAFTA | RUQIYO CALI GUUTAALE | ORIGINAL + LYRICS
Пікірлер: 38