Heestii 6aad 🔥👈. SUBSCRIBE SAAR & LIKE . MAHADSANID.
Ereyada : Cadiraxmaan Abees
Codka : Ugbaad Aragsan.
Heesta midhaheeda oo dhan hoosta ka eeg;
Toddoba sanno ood horjoogtay
Waxqabad lagu soo hirtiyo
Hal eray oo aad ku faanto
Markaad heli wayday yaabka
Humaag beenaad abuurtay
Mar baad horor guud ka fuushay
Dhiiqad ka dhex heestay maalmo
Gucliyo orod wuu hadh beelay
Haldoorkii maad dhegaysan
Markii dadku kugu hungoobay
Ayaad hayba gaar u soocday
Hurinba gees baad u saartay
Walaalo dhaba is hiifay
Waxaad cuntay heeryadaada.
Umaddu hadda kuuma jeedo
Isbeddel loo wada hayaame
Ka guure halkaad ogayde
Waxaan hadal kuugu koobay
Hoggaankuun noo wareeji
Huleel codba kuuma hayne.
Hankiyo rejadii dadkaagu
Kun jeer bay halis galeene
Haddaan hadafkaagu maal
Hantiyo dhawr baloodh ahayn
Bulshaddii hiil kaa sugaysay
Habeen badh ma weerateeno
Hooyada baas kuma furteen
Intaad beero haybinaysay
Ku haysatay maati buuro
Dalkii baad gabi hilmaantay
Badh baad gobolladii halaysay
Hanaankiyo haybadeenii
Qabkii shacabka hagoogtay
Wakaa qaran Oog ku heermay.
Umaddu hadda kuuma jeedo
Isbeddel loo wada hayaame
Ka guure halkaad ogayde
Waxaan hadal kuugu koobay
Hoggaankuun noo wareeji
Huleel codba kuuma hayne.
@copyright by @Zack 4k Music
Негізгі бет Музыка HEESTII 6AAD | UMADU HADA KUMA JEEDO , HOGAANKA NOO WAREEJI , SAXANOW | UGBAAD ARAGSAN
Пікірлер: 119