Asalaama calaykum dhammaan akhyaarta sharafta baddan.
Waxaan jeclaahay , in aan si kooban uga faaloodo , ama aan u yara bayaamiyiyo su'aal asxaabta qaar isoo waydiiyeen , aniga laftayduna aan filaayay in dadka qaar ay is waydiin doonaan . Ujeeddada aan kalahaana ay ahayd in aan dadka uga faa-ideeyo ama aan utuso hadal ama kalmad aad dhawaqeeda ama macnaheeda si u taqaan in siyaabo kale loo isticmaali karo. Waxayna ku xidhan tahay qofku inta uu yaqaano naxwaha Afka Soomaaliga iyo shuruucdiisa kala duwan. Balse waxa marag madoonta ah in uu arkaa dhaafku ku asqoobo arimahan soo socda oo kale .
Sumad geela lagu xidho ama Seeto lagu dhigo
Sida caaddada ah Soomalidu geela sumada way ku dhigtaa inteeda badan balse qaarkood ayaa ku xidha sida '' Koorta'' oo kale. Hadaba waxa xusid mudan in la is waydiiyo ''Xidhid iyo Dhigid'' intee ayay kala duwanyihiin ama qaabkee loo isticmaali karaa. Xidhid waxa loo isticmaali karaa wax xidhan ama dabran ogobeyse geela sumada waana loo xidhaa laguna dhigaa sida dabka.
DHIGIS:
Tusaale: Marka ullaha la isku xidho Soomalidu waxay tidhaa ''ullo isku dhigan'' ma tidhaa isku xidhan. Sidoo kale dhigta iyo udubka Somalidu waxay tidhaa '' dhig iyo udub isku dhigan''ma tidhaa isku xidhan. Ogsoonow haddaba in ay jiraan dad ama umado geela dhaqda oo aan sumada geela ku dhigin ee ku xidha iyagoo dhawraya quruxda iyo hanaanka ilaahay usameeyay geela ee quruxda badan.
Xidhid:
Sumad geela lagu xidho ama Seeto lagu dhigo
Badanaa arintanay waxay caado tahay umaddaha aan Soomalida ahayn sida carabta in sumad geela lagu xidhaa, si dadku ay u ogaadaan in sumad geela lagu xidhi karo laguna dhigi karo ayaa ah mida haboon .
Tusaale:
Hadii geela qoorta wax loogu xidho waa sumad balse sumadaa qoorta lagaga xidhay ama lugta lagaga xidhay laguma dhigin ee waa lagu xidhan, mida is waydiinta mudaninana waa midaa waana mida aan ugu tala galay dadku inay bartaan oo ay su,aal iska waydiiyaan.
Ugu danbayntii cilmiga iyo caqiliguba waxay ku kordhaan ama ku kobcan rogroga , in Su'aal la iska waydiiyaana waa sobobta uga wayn oo aan u qorey.
MAHADSANIDIIN
Abwaan Abdifataah Xasan Shekh Mumin
Негізгі бет Heestii Awdal Salal iyo Gabiley - IDIL BARKHAD Official Video HD
Пікірлер: 444