Sida mayay arooryaad
Miiraale soo kacay
Meel mahiigaan jilbaha dhigay
Dhirtu ay magooshoo
Manka iyo caleentii
Isku maydhax soohmeen
Dhulka muuq ka soo baxay
Muran uu dhex yaaloo
Anaa kaa macaaniyo
Waxaan ahay mas ciideed
Hadal laysu mari karin
Maashee barwaaqa ah
Muuqooda inan yahay
Marmar baan ku moodaa
Ama kugu mataalaa
Runta lagama maarmee
Maalintaan ku halacsaday
Meel dhimman la inaad tahay
Madmadaw igama galin
Dayaxoo muquuriyo
Marna galin daruuroo
Maalmaha shan iyo toban
Muddadii ku buuxsaday
Cadceeduna mudh soo tidhi
Madaxyada fallaadhaha
Ku marriintay nuurkii
Midabaysay inan yahay
Aanse milicna weli noqon
Isha muuqsigeediyo
Mililica jalleecada
Annoo meel ka daawaday
Muuqooda inan yahay
Marmar baan ku moodaa
ama kugu mataalaa
Runta lagama maarmee
Maalintaan ku halacsaday
Meel dhimman la' inaad tahay
Madmadaw igama galin
Негізгі бет Heestii layaabka lahayd, Ee Miiraale iyo Axmed Mooge Liibaan.
Пікірлер: 19