Heesta : Nabsiga Hiishaan
Codkii : AUN Maxamed Mooge Liibaan
Kabankii : AUN Maxamed Mooge Liibaan
Erayadii: AUN Cabdi Adan Xaad (Cabdi Qays)
Laxankii : AUN Cabdi Adan Xaad (Cabdi Qays)
LYRICS: Dhugmaal Lyrics
Qoraalka Heesta (Lyrics)
Imisaan ku hor joogayoo
Wanaag kaa hidinaayayoo
Iskadaa hadal toosane
Warba kaa heli waayoo
Wejiga aad iga hiiftay
Adduun waa hadh wareegga
Waa habeen iyo maalin
Isu soo hirdamaaya
Waa habow iyo toos
Is hareera socdee
Waayihii kol i heeray
Haddii uu heeryo ku saaray
Inaan kuu hab jileeco
Waa midaan la helayne
Hiyigaaga ka saar
Hogob Caleenliyo
Adoo Hadh Jiifee
Dhaxan Harraad
Haalaase Joogee
Habeenka Maalin Socodkiyo
Hirig Cadaadeed
Hugayga Reebtee
Nafsiga Hiishaan
Heedhe Kula Haleeloo
Hoogtooy Wanaaganii
Waa kaad Halleysee
Kula Hor Joogee
****************
Mar baad hillaaciyo
Hogol ahaydoo
Mar baad hiraysoon
Ku higsanaayey
Soo kii hacoogiyo
Ahaa habeenka
Halyeyga maanta
Lagu halmaamay
Nabsiga hiishaan
Ku la haleeloo
Hoogtooy wanaaggani
Waa kaad halleyseen
Ku la hor joogee!
*********************
Mar baad hubka is wada
Hareer ordaysoo
Anna hangool iyo
Gudimmo haystay
Adoo hitiitiqay / hidiidiqay
Haddii aad i hoos timid
Oon geedna haysan
Waa hiil Ilaahe
Nabsiga hiishaan
Ku la haleeloo
Hoogtooy wanaaggani
Waa kaad halleyseen
Ku la hor joogee!
*********************
Ha moodin adiguun
Inaan ku hiifee
Haween dhamaan baan
Ka hawl yaraystay
Hiil iyo hooba
Mid kuu han weynoo
Ku hanta Mowle
Ha kuu hibeeyee
Ilaah hortaadiyo
Hareerahaagaba
Halkaad marayso
Ha ku hagaajee
Nabad ku sii hoyo!
#dhugmaal_lyrics #dhugmaallyrics #dhugmaal
Негізгі бет Музыка Hogob Caleenliyo adoo hadh jiifee | Nabsiga Hiishaan | Maxamed mooge heestii nabsiga | mudugboy
Пікірлер: 39