Marka gabadhu ay kacsato, waxa jira calaamado jireed iyo kuwo maskaxeed oo lagu garan karo inay qooqan tahay oo ay u baahan tahay in la dab saaro. Maskaxda, dareemayaasha, xididdada dhiiga iyo hoormoonada ayuu dhammaantood isbeddel ku yimaadaa.
Waxa aan kuu iftiimin doonaa farriimaha ay habluhu diraan marka xaraaradda kacsigu hayo, oo isugu jira labo nooc oo kala ah: Calaamadaha jireed ama fisikal saaynis iyo calaamadaha shucuureed ama imowshinal saaynis.
Aynu ku bilownee, bal marka hore aynu si kooban u qeexno ereyga kacsi. Haddaba, waa maxay kacsi?
Kacsigu waa kicinta dareenka galmada ama waa doonista raaxada galmada.
Kahor inta aynu u gudbin calaamadaha jireed ee ka muuqan kara gabdhaha xilliga kacsiga, waxa aynu dulmari doonaa marxaladaha kacsiga dumarka.
Anigoo oo soo xiganaya cilmi baarisyadii Sayniseed ee ugu dambeeyey, waxa jira afar marxaladood oo, uu maro kacsiga haweenka, kuwaas oo, kala ah:
1. Marxaladda farxadda iyo kacsiga.
Marxaladdan waa bilowga kacsiga. Tani waa marka xoogga oo, dhan la isugu geeyo soo saarista kacsiga. Aad ugu fiirso meelaha ay gabdhuhu ka kacsadaan sida bushimaha ama afka.
2. Marxaladda sare u kaca
Inta ay gabadhu ku jirto marxaladdan, faruuryaha siilku waa ay bararaan, waxa ayna kusii kululaadaan taabashada. Heerkulka jirku waa uu sii kordhaa mar kasta oo ay gabadhu usii dhawaato biyobaxa.
3. Marxaladda biyobaxa
Marxaladdan biyobaxa waa marka jirka gabadhu uu sii daayo dhammaan cadaadisyadii galmo oo dhan halmar. Waa halka ugu sarraysa kacsiga galmada, waxa ayna keentaa farxad aad u weyn oo jirkoo dhan gilgisha.
4. Marxaladda gebogebada
Marxaladda ugu dambaysa waa marka ay gabadhu kasoo degto buurtii kacsiga. Waa marka neefsashadu hoos u dhacdo oo ay nidaamiso iyo sidoo kale garaaca wadnaha. Heerkulka jirka ayaa sidiisii caadiga ahaa isna kusoo noqda, bararkuna waxa uu bilaabaa inuu yaraado.
Astaamaha jireed ee lagu aqoonsan karo marka ay gabadhu kacsato waxa ka mid ah kuwan:
1. Wejiga, dhabannada iyo maqaarka.
Waxa aad dareemaysaa in wejigeedu uu ka yara dabacsan yahay sidii hore. Dhabanadu waa ay guduudtaan. Tanna waxa ugu wacan waa hoormoon la yiraahdo adrenalaayn ayaa kusoo yaacda jirka xilliga kacsiga. Waxay sababtaa in xididdada dhiiga ay ballaartaan, taasoo u oggolaanaysa qulqulka dhiig badan. Waxay kaloo saamaysaa heerkulka maqaarkeeda. Waxay dareentaa diirrimaad, waxaadna ku arkaysaa dhidid tirobadan.
2. Afka iyo indhaha.
Afkeedu waa uu yara furan yahay, waxay qaniintaa faruurteeda hoose. Indhaheedu waxay u muuqdaan kuwo u gaajaysan macaanka galmada. Haddii aad u fiirsato barta madow ee indhaheeda, waad arki kartaa inay ballaarteen.
3. Baaqyada afka ay ka yiraahdaan ama sarbeebaan habluhu markay kacsan yihiin. Dumarka qaar ayaa codkooda ku muujiya baahiyahooda, halka kuwo kalena ay doorbidaan inay iska aamusaan ilaa laga afgaranayo. Si kastaba ha ahaatee, waxa wanaagsan inaad xaaskaaga mar walba ka warhaysid halka uu marayo dareenkeedu. Dhagayso taaha, neefsashada iyo hadallada ay ku cabbirayso dareenkeeda.,
4. Naasaha iyo ibaha naasaha.
Naasuhu way bararaan ama way buuxsamaan, ibta naasuhuna way adkaataa oo kor ayey usoo kacaan. Kuwani waa labo calaamadood oo cad oo lagu garto in gabadhu ay kacsatay. Saynisku wuxuu caddaynayaa in ibta naasaha oo si wanaagsan loogu ciyaaro xilliga galmada ay kordhiso kacsiga haweenka ilaa iyo siddeetan iyo kow iyo bar boqolkiiba.
5. Neefsashada
Waxad ku garan kartaa neeftuur badan oo degdeg ah oo qotodheer, mar kasta oo ay kusii dhawaato biyobaxa, sababta oo ah heerka qaadashada ogsijiinta ayaa la kordha xaddiga kacsiga.
6. Siilka!
Siilku waa uu kala jiidmaa waana uu kala fidaa si uu gusku u galo. Sidoo kale, siilka laftiisa ayaa isasaliideeya, waana sababta uu u qoyo. Qoyaankan siilku wuxuu ku lug leeyahay dheecaano jireedyo kala duwan.
Waxa jira dareerayaal ka yimaada siilka, ilma galeenka iyo kuwo kacsigu uu keeno. Dhammaan dhareeradan jirka ka imaanaya mid kasta waxa uu leeyahay shaqo gaar ah oo u fududaynaysa in siilka si sahlan oo raaxo leh gusku u galo.
Ugu dambaytii, haddii aynu soo koobno calaamadaha lagu garan karo inay gabadhu kacsatay oo ay u baahan tahay inay dhadhamiso macaanka raaxada galmada waxa ka mid ah: naasuhu waa ay buuxsamaan, ibta naasuhu waa ay adkaataa oo kor ayey u soo kacaan, garaaca wadnaha waa uu kordhaa, neefsashadu degdeg ayey noqotaa, siilku waa uu qoyaa maadaama dhiig farobadan u qulqulayo gidaarada siilka si ay u saliideeyaan, kintirka iyo bushimaha yaryar ee ku yaal gudaha siilka waa ay bararaan, siilku waa uu jiriricoonayaa ama wuu cuncunayaa, degenaansho la'aan iyo jawi kala kacsan.
Kacsigu waa dareenka ugu macaanka badan ee jirka aadanuhu ku raaxaysto. Waxa uu ka midyahay nimcooyinka waaweyn ee Allaah ugu deeqay noolaha oo dhan guud ahaan gaar ahaan banii aadamka. Bilowga ilaa iyo dhammaadka Kacsiga waa daqiiqadaha ugu macaanka badan nolosha aadanaha.
Негізгі бет Kacsiga gabdhaha - Way kacsatay wasmo ayey rabtaa ee was dalaq dam
No video
Пікірлер: 21