Heestii: Naftu doqonsanaa
Ereyadii: Maxamuud Tukaale
Laxankii: Cabdikariim Jiir
Codkii: Cabdinaasir Macallin Siciid
"Naftu doqonsanaa
Damac waalanaa
Waxay doonto beri
Ku diri ogaa
Dantu ka adagaa
Durba celin ogaayeey
Labadoo is dar-daray
Dadka dhibi ogaa
Risiq Eebbe kuu diiday
Kaa durugsanaa
Nimuu duunyo siinaayo
Deeqi u dhowaa
Taa waxa daliil u ah
Haadka samada duuliyo
Diinku ba u siman calaf
Midna caydha daayacan
Aanu daal u soo marin
Kama helo daleedaa
Siday diintu nagu tidhi
Dayaxana ha dhaaftee
Qayrkaa derajaduu helay
Rabbi kaam daahine
Dadaal gaadhi doontide
Naftu doqonsanaa
Damac waalanaa
Dabaylaha cirkay
Hadba kugu dartaa
Dur-dur kaa fog bay
Dar u xidho ku tidhaayeey
Dahab adan lahayn
Ku tidhaa dal-dalo
Ha ka dayrin weligaa
Noloshaad la dersi tahay
Ha u doodin abidkaa
Tu kaloo ku dayasho ah
Taa waxa daliil u ah
Oo nooga digi kara
Xadiis baa ku soo degey
Mar uun laysma garab dego
Dad ma wada sinnaan karo
Adduun waa is daba mar
Siday diintu nagu tidhi
Dayaxana ha dhaaftee
Qayrkaa derajaduu helay
Rabbi kaam daahine
Dadaal gaadhi doontide"
Негізгі бет LYRICS | Heestii naftu doqonsanaa | Cabdinaasir Macallin Siciid
Пікірлер: 259