Guska waa xubinta labku ay u adeegsadaan kaadida iyo galmada. Gusku waxa uu ka sarreeyaa qooraha. Waxa uu ka samaysan yahay nudayaal jilicsan iyo xididdo dhiig. Gunta hoose ee guska waxay ku wareegsan tahay kaadi mareenka, waxayna ku xirtaa lafta gumaarka. Buuryadu waxay dabooshaa madaxa guska aan gudnayn.
Ninyahow, waa muhiim inaad ilaaliso caafimaadka, nadaafadda iyo badqabka guskaaga si looga hortago cudurada, caabuqyada iyo dhibaatooyinka kale sida cuncunka, shiirka, cudurada galmada lagu kala qaado iyo kansarka. Maadaama xubnahaaga taranku ay aad iyo aad u qiimo badan yihiin waa inaad sida ugu wanaagsan u daryeeshaa. Haddaba,
Sidee ayaad u ilaalin kartaa una daryeeli kartaa caafimaadka guskaaga?
Halkan, waxan kugula wadaagi doonaa talooyinka iyo tallaabooyinka dhakhaartiirta Cilmiga Sayniska iyo Culimada Islaamka oo, ku saabsan sida ugu wanaagsan oo, aad u ilaalin karto caafimaadka guska si looga hortago dhibaatooyinka ku dhici kara.
1. Ku mayr guskaaga biyo diirran ugu yaraan hal mar maalin kasta. Si tartiib tartiib ah u nadiifi qooraha iyo salka hoose ee guska. Sidoo kale, aayar aayar u xoq kiishka qooraha ee xiniinyuhu ay ku dhex jiraan.
2. Timaha bisqinta waa inaad ugu yaraan afartankii cishaba mar iska xiirtaa, sababta oo, ah jeermisyada ayaa si fudud ugu tarmi kara timaha hoostooda. Nabarro yaryar oo finan la yiraahdo ayaa kasoo dhasha kuwaas oo keena ur xun. Sidaa awgeed, waxa fiican inaad si joogto ah u nadiifisid, u xiirtid ama u gaabisid timaha cawrada. Haddii aad isku aragtid injirta bisqinta, caabuq, finan ama nabarro; fadlan, si degdeg ah ula xiriir xarunta caafimaad ee kuugu dhow.,
3. Rag badan ayaa xirta hal buume ama hoos gashi toddobaad dhan ama xitaa bil dhan, laakiin, sababo caafimaad dartood, fadlan, maalin walba iska beddel nigiska. Nigiska wasakhda ahi wuxuu guska u yeelaa ur iyo dhadhan xun.
4. Ina ragow, ogaada, waxaad cuntaan, waxay saameyn ku leeyihiin dhadhanka shahwada ama dheecaannada kale ee guska ka yimaada. Cun miraha iyo khudradda dabiiciga ah. Malabka, caanaha xoolaha ee dhayda ah iyo dhirta dabiiciga ah ee xoojiya guska, badiya kacsiga iyo shahwada, fadlan, iyagana ha ilaawin waa iga talee. Dhammaantood waxay ka dhigayaan shahwadaada mid leh dhadhan iyo ur wanaagsan. Sidoo kale, waxay quudinayaan ugxanta si uu ilmuhu u noqdo mid caafimaad qaba.,,,,
5. Gusku uma baahna barafuun ama catar si uu u yeesho ur udgoon, sidaas awgeed, haku buufin wax barafuun ah, hana ka marin dusha wax catar ah guska hareerahiisa. Sidaas oo kale, ha isticmaalin wax budo ah guska hareerahiisa. Haddii aad samaysid, gaar ahaan, marka aad timaha bisqinta iska xiirtid, waxaad la kulmi doontaa cuncun aan caadi ahayn. Marka aad timaha bisqinta iska xiirtid kadib, mari saliid dabiici ah oo, keliya.,,,,
6. Ragga aan gudnayn, waa haddii ay jiraane, fadlan, dib u celi buuryada, kuna mayr biyo diirran maalin kasta. Haddii aadan gudnayn, guskaagana aadan si joogto ah u nadiifin, wax la yiraahdo 'baaro' ayaa ku samaysanta buuryada aan la jarin. Baarada ama 'ismegma' waa isku jir ka kooban unugyo maqaar oo soo daatay, saliidaha maqaarka, dhidid, qoyaan iyo dheecaano kale, kuwaas oo, soo saara ur qarmuun, oo, keena caabuqyo ugu dambaytii u diida buuryadu inay dhaqdhaqaaqdo. Waxay ku dhacdaa xubnaha taranka ee ragga iyo dumarka. Ragga, baaradu waxay ku ururtaa buuryada hoosteeda, dumarkana, baaradu waxay ku ururtaa hareeraha kintirka iyo laalaabyada faruuryaha yaryar ee siilka.
Weligaana middan xusuusnow, "Guska nadiifka ahi waa uu ka xoog badan yahay seefta cirfiidka"!
Ugu dambaytii, ninyahow, haddii aad wax uun isbeddel ah ku aragtid qooraha ama guska ama labadaba, fadlan, si degdeg ah ula xiriir dhakhtar khibrad fiican u leh xirfadan.
Gusku waxa uu u baahan yahay daryeel fiican oo joogto ah. Waa in loo nadiifiyaa si taxadar leh. Waa inaad samayso jimicsi joogto ah guud ahaan, gaar ahaan, jimicsiga loo yaqaan kegel oo, xoojiya shaqada iyo caafimaadka guska.
Warbixintan waxa soo ururisay warbaahinta caalamiga ah ee Luula Miidiya. Mar kasta, meel kasta iyo marxalad kastaba ku xirnow warbaahinta casriga ah ee Luula Miidiya. Waad ku mahadsan tahay daawashada muuqaalkan.
Негізгі бет Ma doonaysaa gus weyn oo dherer, dhumuc iyo xoog leh - daawo muuqaalkan? dalaq dam kacsiga gabdhaha
No video
Пікірлер: 16