Barako Group Construction Co. waa mid ka mid ah shirkadaha dhismaha ee ugu ballaadhan dalka, iyada oo ka hawlgasha dhammaan gobollada dalka, haatanna jirta muddo gaadhaysa rubuc-qarni ama 25 sannadood!
Barako Group Construction Company waxa ay haatan ka kooban tahay qaybo kala duwan oo ku kala aaddan dhinacyadii kala duwanaa ee dhismaha, kuwaas oo kala ah:
✅️ Barako building material.
✅️ Barako Workshop.
✅️ Barako Construction.
Shirkaddu waxa ay dalka ka fulisay mashaariic mug oo ay ku faanayso, ayna ka mid yihiin:
Dhismayaal ganacsi oo tiro badan, Xarumo dalwadeed, Masaajiddo Iyo Xarumo caafimaad.
Intaa waxa dheer, oo ay shirkaddu ka fulisay gobollada dalka dhismayaal guryo ah oo hab casri ah loo dhisay, kuwaas oo aan ku bixinnay dedaal iyo tacab badan.
Barako ahaan, waxa aannu higsanaynnaa horumar intaa ka sii badan iyo horusocod intaa ka sii baaxad weyn oo aannu ku tallaabsanno, kaas oo keena in aannu bulshadayda u binayno dhisamyaal caqiibo leh oo ay u aayaan.
Негізгі бет Mashaariicda iyo waxqabadka kala duwan ee shirkadda Barako Group Construction Co.
Пікірлер