Heesta: Maxaan Kaa Dhursugayoo
Luuqda: Saalax Qaasim Iyo Khadra Daahir
Ereyada: Maxamed Aadan Dacar
LYRICS: DHUGMAAL LYRICS
QORAALKA HEESTA ( LYRICS )
Maxaan kaa dhursugayoo dhursugayoon
Inaan dhaayaha ku saaroo
Ku dheehdo doonay
Maxaan kuu dhabar adaygoo
Habeenimo kugu dhadhabayoo
Dhuuntiyo laabtaan kaa dhaqaaray
Hadaad dhinacayga joogtoo
Jacaylka la dhuuman maayee
Wadnaha aan kugu dhoweeyo
Dhulkii kuu quudhi maayee
Cirkana kuma dhigi karaayee
Ayaa kaa dhigaa miftaax
Intaan caashaqa dhitaystoo
Dhanka aan kugu hayee
**************************
Maxaan kaa dhuuntay ka dhuuntoo
Inta dhaba kaaga leexday
Shan taa dhaban dhaban qabsaday
Maxaynu is dhaafnay dhaafnoo
Xagaaga la iga dhirbaaxoo
Dhinbiilo dhinbiilo aan ku yeeshay
Hadaan dhinacaaga jooga
Sidii ruux yaroo dhalaanoo
Bal maad ilmo dhagac ka siisid
Aniga maqashay ka dhega lii
Dhabar kuunbaa ku daali doonee
Ayaa kaa dhiga quwaax
Dhadhaab iyo dhagax dixeed
Aan dhoolaha qosal cadeeyee
********************************
Maxaan kuu dhabbarayoon dhabarayoon
Dartaa dhuuniga u diidoon
Dhulyaalay dhulyaalay awgaa
Maxaan dhalandhool yahoomoo
Dharaar iyo laba baqooloon
Dhanqaalan kalgacayl aan la dhuubtay
Hadaad dhinacayga joogtoo
Jacaylka la dhuuman maayee
Wadnaha aan kugu dhoweeyo
Dhulkii kuu quudhi maayee
Cirkana kuma dhigi karaayee
Ayaa kaa dhigaa miftaax
Intaan caashaqa dhitaystoo
Dhanka aan kugu hayee
*******************************
Maxaan dhaygag yaaboo
Dhiig iyo uus toona malihide
Dhafoor ku taabtay
Maxaan caashaqaaga dhababoon
Dhacamo waaweyn u gooyoo
Dhuunkaal iyo dhirro u qooshay
Hadaan dhinacaaga jooga
Sidii ruux yaroo dhalaanoo
Bal maad ilmo dhagac ka siisid
Aniga maqashay ka dhega lii
Dhulka uunbaa ku daali doonee
Ayaa kaa dhiga quwaax
Dhadhaab iyo dhagax dixeed
Aan dhoolaha qosal cadeeyee
#dhugmaal_lyrics #dhugmaallyrics
Негізгі бет maxaan kaa dhursugayoo | hadaad dhinacayga joogto | khadra daahir iyo saalax qaasim lyrics
Пікірлер: 31