Abwaan Cabdulle Raage Warsame Taraawiil Gabaygii Wejigabax ,Wuxuu U Tiriyaay xaaskiisa labaad
Fadlan Hadaad Nagu Cuusb tahay kusoo Biir Bogeena Midnimo
Subscribe To My Channel Midnimo Onine and Get More Video
www.goo.gl/iZ5X2Q
For more videos visit www.midnimo.com
Follow us on Twitter / midnimo1
Follow Facebook Page / midnimo
#Midnimo #HoygaSugaanta #Somalia
Taariikhdiis oo kooban
Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdulle Raage Warsame Taraawiil, waxa uu ku dhashay duleedka Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud sanadku markuu ahaa 1934-kii. Cabdulle Raage Warsame aabihiis Raage waxa uu ahaa afmaal deegaankii uu ku dhaqnaa nabadoon u ah, tirinta ereyo suugaaneedkana aad ayaa loogu texgelin jiray.
Intii uu yaraa Cabdulle Raage Warsame waxa uu isa saar saari jiray tixo suugaan ah, laakiin markii uu soo hano qaadey ayuu si weyn isugu taxaluujiyay suugaan tirinstiisa,waxaana lagu tiriyaa dadka fara ku tiriska ah ee iyadoo da'doodu ka hooseyso 15-jirka sida yaabka leh uga soo baxay goobaha la isugu yimaado.
Sanadkii 1943-kii ayuu Abwaan C/lle Raage si muuqata ugu soo biiray fanka, sidoo kale 1956-kii ayuu guursaday xaaskii ugu horeeyay markii ay mudo is qabeen kaddibna waxaa lagu xiray Degmada Ceelbuur ee isla Gobolka Galgaduud dabadeedna waxaa loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho si halkaasi Maxkamad loogu saaro, hase yeeshee waa la sii daayay kadib markii lagu waayay dembigii lagu soo eedeeyay.
Allaha u naxariistee Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil waxa uu ku biiray Xisbigii Libaraale ee uu Guddoomiyaha u ahaa Allaha u naxariistee Xaaji Maxamuud Maxamed Boraako, isagoo gubaabin jiray taageerayaasha Xisbiga, sidoo kale wuxuu Abwaanku ku biiray Idaacadda Raadiyo Muqdisho, waxaana lala yaabay kaalintii uu ka qaatay munaasabadihii loo sameeyay Xorriyaddii iyo Calan-saarkii Soomaalida 1960-kii taas ayaana u sahashay inuu ka mid noqdo shaqaalaha ugu firfircoon ee Radio Muqdisho, inkastoo ay jireen caqabado yaryar oo ka hor yimid
Abwaan C/lle Raage wuxuu ahaa Mu'alif Riwaayadaha qora, Gabyaa caan ah, jilaa si aad ah loo jecleystay, waxaana ka mid ahaa Riwaayadihii lagu xasuusto (Shabeel Naagood) oo uu isagu Aktar ka ahaa uuna lahaa Abwaan Xasan Sh.Muumin, (Yaxaas Dhegaduub) oo uu lahaa Sangub, (Dhagax iyo dab) oo uu lahaa Cali Sugulle iyo Riwaayado kale oo aad u fara badan.
Marxuum Abwaan C/lle waxaa sanadkii 1968-kii loo magacaabay "Radio Artiste" oo kulminayay Madaxa Raadiyaha Walaalaha Hargeysa iyo Radio Muqdisho, sanadihii 1974-kii waxa uu kaalin mug leh ka qaatay dagaalkii lagula jiray dalweynihii Xabashida isagoo ku muteystay Bilado dhowr ah.
Sanadkii 1974-kii waxaa loo bedelay Radio Hargeysa, isagoo loo magacaabay Guddoomiyaha Fanka W/Galbeed, wuxuuna bedelkaasi ka tiriyay ilaa Toddobo Gabay, sanad kaddibna wuxuu ku soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana loo magacaabay Guddoomiyaha shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, kaddibna wuu iska casilay markii ay is qabsadeen isaga iyo Abwaan Shareeco.
Marxuum Abwaan C/lle waxaa sanadkii 1968-kii loo magacaabay "Radio Artiste" oo kulminayay Madaxa Raadiyaha Walaalaha Hargeysa iyo Radio Muqdisho, sanadihii 1974-kii waxa uu kaalin mug leh ka qaatay dagaalkii lagula jiray dalweynihii Xabashida isagoo ku muteystay Bilado dhowr ah.
Sanadkii 1974-kii waxaa loo bedelay Radio Hargeysa, isagoo loo magacaabay Guddoomiyaha Fanka W/Galbeed, wuxuuna bedelkaasi ka tiriyay ilaa Toddobo Gabay, sanad kaddibna wuxuu ku soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana loo magacaabay Guddoomiyaha shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, kaddibna wuu iska casilay markii ay is qabsadeen isaga iyo Abwaan Shareeco.
Allaha u naxariistee Abwaan C/lle waxay Soomaalidu ku xusuusataa Gabayadiisii u badnaa Gobanimadoonka iyo la dagaalanka Gumeysiga madow gaar ahaan dagaalkii dhex maray Soomaalida iyo Itoobiya sanadihii 1977 ilaa 1978-kii. wuxuu kaloo ka qeyb galay Bandhig faneedyo caalami ah, sida kii lagu qabtay magaalada Lagos ee dalka Nayjeriya 1978-kii kaasoo ay ka soo qeyb galeen 37-Dowladood oo Afrikaan ah, wuxuuna ka galay kaalinta Koowaad taasoo uu ku muteystay abaalmarin caalami ah iyo Billad, Gabaygii uu halkaas uga qeyb galayna waxaa lagu magacaabaa Dhambaal.
Alle ha u naxariist0 Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil wuxuu dhintay bishii Maarso sanadkii 2000
Xigasho Wikipedia
so.wikipedia.o....
Негізгі бет Midnimo | Abwaan Cabdulle Raage Warsame Taraawiil | Gabaygii Wejigabax
Пікірлер: 7