HALKAN KA AKHRISO: gaaldiid.com/project/sidee-buuruhu-ku-samaysmaan/
💥 Fadlan khayrka sii faafi 💖 □👍
💥 Nagala soco bogeena Facebooka facebook.com/gaaldiid/
💥 facebook.com/abdulazizoogle
💥 instagram.com/gaaldiiid/
💥 gaaldiid.com/
💥 twitter.com/hishaami
Xaqu (S.W.T) waxa uu ku tilmaamayaa aayadahan muhiimada iyo shaqada buuraha, oo ah inay sugaan dhulka si aan dhulku inoola liicliicin, waxay dhahaan Mufasiriintu Eebe waxa uu ka yeelay buuraha hoostiisa rukuno, sababtuna waa inay sugaan dhulka iyo qaaradaha, una diidaan in dhulku socscoda xilliga dhulka uu wareegayo.
sidoo kale xaqu waxa uu ku tilmaamay buuraha rukuno, rukunkuna waa shay haya ama sida shay kala si aanu u dhaqaaqin, waxa tusaale fiican noqon kara sida musmaarku iskugu hayo looxyada oo kale. buuruhuna waxay isu hayaan dhulka qaybtiisa hoose iyo qaybta sare.
waxa la xaqiijiyey sanadkii 1956 dii in buuruhu leeyihiin xidid aad udheer kaasoo gaadhaya lakabyada uu dhulku ka koobanyahay illaa laga gaadhayo lakabka (Sima) oo ah lakabka ugu hooseeya ee wajiga dhulka (Earth crust). Tusaale ahaan buurta aduunka ugu dheer waa buurta Everest, dhererkeedu dhulka waxay ka saraysaana waa 9 km, halka xidikeedu ka gaadhayo 135km oo dhulka hoostiisa.
Lakabka sare ee wajiga dhulku waa adagyahay hase ahaatee lakabka ka hooseeya ee (Sima) waa mid dhagdhag leh (qoyaan leh), maadaama dhulku wareeg sameeyo waxa ka dhalan lahaa dhul gariir joogta ah, markaa waa inay jiraan rukuno isku xidhaya wajiga dhulka iyo lakabka Sima, si ay uga hortagaan ama u yareeyaan dhulgariirka iyo fulkaanayaasha, sidaa awgeed ayuu Eebe ka yeelay buuraha kuwo xidid dheer leh oo gaadhaya lakabka Sima, si ay usugto dhulka.
Негізгі бет Mucjisada Quraanka iyo Buuraha u socda sida Daruuraha!!👍
Пікірлер: 72