Hadii aad doonaysid in aad yeelatid gus xoog, weynaan, dhumuc, dherer iyo adkaysi isku darsaday, meel kale ha eegin, ee, fadlan ila soco ilaa iyo dhammaadka muuqaalkan.
Ragga intooda badan waxa ay aaminsan yihiin in mar kasta oo guskoodu uu waynaado, in noloshooda galmo ay si wanaagsan ugu raaxaysan doonaan. Waxa kale oo ay aaminsan yihiin in dumarku ay jecel yihiin in nimankoodu ay yeeshaan gus dheer, oo dhumuc weyn leh. Waxa mar kasta maskaxdooda ku taagan su'aashan ah; sidee ayaan ku heli karaa guskaas weyn ee ay gabar kasta ku riyoonayso?
Arrintan darteed, rag badan ayaa isticmaala gacmahooda ama qalab si ay u kala bixiyaan guskooda. Qaar kale waxa ay sameeyaan jimicsiyo kala duwan oo ay ku doonayaan in ay ku kordhiyaan dhererka iyo dhumucda guska. Tiro kale oo rag ah, oo aan yarayna waxa ay cunaan ama cabbaan ama dusha ka mariyaan guskooda waxyaabo la warshadeeyey ama dawo dhaqameedyo dabiici ah, oo looga dan leeyahay in guska lagu koriyo. Inyar ayaa mara qalliino halis ah oo xubinta lagu dheereynayo.
Dhab ahaantii, suurtagal matahay in ay tani dhacdo?
Muuqaalkan dhexdiisa waxa aan si kooban u guud mari doonaa cilmi baarisyadii Sayniseed ee ugu dambeeyey ee la xiriira xaqiiqooyinka ku saabsan cabbirka guska.
Ugu horrayntii, waxa aynu ku bilaabi doonnaa xaqiiqooyinka ku saabsan cabbirka guska banii aadamka.
Ragga dunidan oo dhan waxa ay jecel yihiin in ay lahaadaan gus dheer, oo dhumuc weyn leh, oo adag, oo ay ku soo jiitaan hablaha gayaankooda ah. Kuwa Alle ku mannaystay guska noocaan ah waa ay ka duwan yihiin ragga intooda kale. Waxa ka buuxa kalsooni dheeraad ah oo ay ku qabaan naftooda iyo noloshooda galmo, labadaba.
Balse, ragga guskoodu dhexdhexaadka yahay ama ka yar yahay dhexdhexaadka, waxa ay had iyo goor ku mashquulsan yihiin sidii ay maaalin uun ku gaari lahaayeen cabbirka guska ay doonayaan si ay qabkooda kor ugu qaadaan, una hagaajiyaan noloshooda galmo.
Haddaba, cabbirka guska miyey muhiim tahay xilliga galmada si uu ninku u qanciyo xaaskiisa?
Ma jiraa xiriir ka dhexeeya xajmiga guska iyo raaxada galmada?
Ma ogtahay in dumarka intooda badani aysan wax dhib ah ku hayn inta uu le'egyahay guskaagu, oo aanay kala jeclayn gus weyn iyo mid yar toona.
Halkan, waxa aan kuugu hayaa qaar ka mid ah xaqiiqooyin xiiso leh, oo aad, u baahan tahay in aad ka ogaatid cabbirka guskaaga.
Dumarka intooda badani waxa ay ku qanacsan yihiin xajmiga guska ee ninkooda, halka raggu aysan ahayn. Si kastaba ha ahaatee, dhumucda guska ayaa muhiim u ah haweenka xilliga galmada. Aan kuugu celiyee, intan meel gaar ah ku qoro, "Dhumucda guska ayaa ka muhiimsan dhererka"
Inta badan raggu waxa ay aaminsan yihiin in ay leeyihiin gus yar.
Waa immisa celceliska cabbirka guska ninka dhexdhexaadka ah ama caadiga ah?
Celceliska cabbirka guska marka uu balaqsan yahay, ee, uusan, kacsanayn ama taagnayn waa: siddeed dhibic siddeed santiimitir ama saddex dhibic shan inji, halka celceliska guska marka uu kacsan yahay uu yahay labiyo toban dhibic sagaal santiimitir ama shan dhibic hal inji.
Intaa waxa dheer, cilmi baarisyadu waxa ay soo jeedinayaan in gusaska yaryar ay dhif iyo naadir yihiin marka loo eego kuwa waaweyn ama dhexdhexaadka ah. Laakiin ogow, cabbirka guska waxa go'aan ka gaari kara dhakhtar khibrad fiican u leh oo keliya, iyadoo la raacayo tilmaamaha ku xusan halbeegyada caalamiga ah.
Fadlan, la soco qaybta labaad, oo aan sifiican ugu faahfaahin doono mawduucan.
Haddii, aad sabiskarayb garaysid Yuutuyuub janalkaygan Luula Miidiya, waxa aan kuu ballan qaadayaa in aan si joogto ah kuugu soo gudbin doono siro badan oo kaa dahsoon. Sidoo kale fiidyowgan xaqiisa sii adiga oo laykta u taabanaya, asxaabtaadana la wadaag ama sheer garee, wixii aad ku daraysid, oo talo ama tusaale ahna, fadlan, qaybta komentiyada inoogu reeb ama farriin gaar ah ii soo dir aniga ayaa isla markiiba kuu soo jawaabi doonee.
Негізгі бет Muhiimadda cabbirka guska ninka gaar ahaan xilliga galmada - Dr. Deko Farah dalaq dam kacsi
No video
Пікірлер: 13