"Macalinkayga ayaa igu yiri codkaagu dareenkeyga ayuu kiciyaa"!
Waxa aad iigu yeeri kartaa Maariyo. Ma doonayo inaan idinla wadaago magacayga saxda ah iyo halka aan Soomaaliya uga noolahay si aan sirtayda, sharaftayda iyo sumcadda qoyskayga u ilaasho. Balse waxa aan rabaa inaan idinla wadaago qiso xanuun badan oo noloshayda isoo martay anigoo ku hadlaya codkayga iyo kan dhammaan dhibbanayaasha ila midka ah. Waxa aan ahay gabar Soomaaliyeed oo ardayad jaamacadeed ah. Waxa aan doonayaa inaan maantay idinkaga warramo xaaladaha ay ku sugan yihiin gabdhaha Soomaaliyeed ee ardayda ah iyo xadgudubyada dhanka jinsiga ah ama sekshuwal abyuus ee ay si joogto ah ula kulmaan ee uga imaanaya qaar ka mid ah macallimiinta iyo maamulka iyaga oo hablaha yaryar ee dhigta iskuullada iyo jaamacadaha kula kacaya tacaddiyo galmo iyaga oo, uga faaidaysanaya baahida ay gabdhuhu u qabaan inay helaan fursad ay ku guulaystaan imtixaannada ama ay horumar ka sameeyaan waxbarashadooda.
Hadda waxa aan idiin faahfaahin doonaa sida uu mid ka mid ah macallimiintayda jaamacadda iigu xadgudbay oo, uu iiga codsaday in aan la seexdo, isaga oo, ii ballan qaaday in uu iga caawin doono waxbarashadayda. Waxa uu igu yiri, "Maariyoy, codkaaga ayaa sabab u ah kicitaanka dareenkayga iyo rabitaanka kacsi ee aan kuu qabo"!
Arrintani waxay igu dhacday markii ugu horreysay ee aan Jaamacadda ku biiray. Xilligaas oo, mid ka mid ah macalimiintayda uu igu xadgudbay isagoo iguleh, "Maariyo, Codkaagu soo jiidasho ayuu leeyahay, wuxuu kiciyaa dareenkayga. Waxa aan rabaa inaad i qanciso, isaga oo wacad iigu maray inuu gacan weyn ka geysan doona inaan ku baaso dhammaan koorsooyinka jaamacadda ilaa aan ka xirto dharka qalin jebinta.
Dhaqan xumadaan qaar ka mid ah macalimiinta dugsiyada Qur'aanka, iskuullada, macaahidda, jaamacadaha iyo xitaa dugsiyada farsamada gacanta lagu barto, ay ardayda gabdhaha ah kula kacaan waxay ka dhacdaa ku dhawaad dhammaan heerarka iyo goobaha kala duwan ee waxbarashada, haba ugu badnaatee macallimiinta dugsiyada Qur'aanka dhigta.
Intii dugsiga sare aan ku jiray ayey sidoo kale igu dhacday arrimo la mid ah tan jaamacadda igu qabsatay.
Dhibaatadan waa mid ay wajahayaan gabdhaha ardayda ah oo, dhan taas oo, in badan u horseedday mushkilado xanuun badan sida inay bikranimadooda ku waayaan, uur, ceeb, fadeexad, cudurro, niyad jab iyo inay isaga tagaan waxbarashada gebi ahaanteed. Intaas waxa u dheer, waxay lumiyeen sharaftii iyo qiimihii ay ku lahaan jireen bulshada dhexdeeda, taas oo, uu sabab u yahay hab-dhaqan xumida ay qaar macallimiinta ahi ku doonayaan inay ardaydooda la wadaagaan xiriir jacayl oo, khaldan.
Macalinkaygu wuxuu igu khasbay galmo xaaraan ah oo aanan raali ka ahayn ama waxan oran karaa wuu i kufsaday macalinkaygu. Habeen habeenada ka mid ah anagoo sheekaysanayna ayuu halmar igu soo qaaday weerar galmo, ii gaystay xadgudubyo galmo, ilaa uu i kufsaday. Markii uu dantiisii iga gutay, ayuu gaarigiisa inta uu igu soo qaaday gurigeena i keenay.
Habeenkii oo dhan ayaan ooynayey oo laba indhood iskuma keenin. Subaxdii markii uu jaamacadii iga waayey ayuu isoo wacay. Anigoo aad uga cabsanaya oo gargariiraya ayaan taleefankii ka qabtay. Raali gelin iyo cudurdaar kadib wuxuu igu qanciyey inaanan cidna u sheegin wixii xalay na dhexmaray iyo inaan jaamacadayda iska sii wato ilaa aan ka qalin jebinayo. Sidoo kale wuxuu iga codsaday inaan baashaalkeena iska sii wadano oo, xalay ay isbarasho iyo isdhadhamin uun ay ahayd.
Waxayse iigu darnayd, dhawr bilood kadib markii aan hubsaday inaan uur leeyahay.
Waxba yaanan hadal kugu daaline, hadda waxan ahay hooyo shan caruura u dhashay ninkii kufsaday iyadoo toddobiyo toban jir ah.
Oo, miyaad ila yaaban tahay?
Aniguna waxa aan la yaabanahay sababta aad adigu iila yaaban tahay!
Yaabka, yaabkii!
Yaabkii oo yaabban ayaa i agfadhiya!
Miyaanan ku oran, "kabax afaaraha laba qof oo candhadoodu isgaadhay?"!
Fadlan, lasoco qaybaha kale ee sheekooyinkan.
Негізгі бет Qisada gabar macalinkeedii kufsaday! Gabar ka shekenaysa sidi macalinkedu u kufsaday! sheeko wasmo
No video
Пікірлер: 9