Qoryaha dhiga oo xalkeena
Labada kala qaada ciidan
Oo waa lays dabaqabtaaye
Qaybaha sii nool badbaadsha.
Walow uu yahay qasaare
Dagaalku la qoomameeyo
Haddana waa ficil quruumo
DHexdooda kasoo qarxaayay.
Qaabiilba waxaa galaaftay
Haabiiloo qoonsigiisa
SHaydaanku usii quweeyay.
Colaad qoombaa ku waaya
Bulshooy qaangaadhadooda.
Colaad qaranbaa ku waaya
Qaanuunkiyo kala danbeynta.
Colaad laba qayd wadaagay
Ayaa dabbinaysu qoola
Dabkana kala qaadan waaya.
Waxaa la qabtaaba caano
Markay dabadeed qubtaane
Qoryaha dhiga oo xalkeena
Labada kala qaada ciidan
Oo waa lays dabaqabtaaye
Qaybaha sii nool badbaadsha.
Daankaba ilkahaa qaniina
Mataanaa qoon isgaadhsha
Jacayl laba qoys ku taagay
Ayaa gacantaysku qaada.
Qardoofadu way dhacdaaye
Haddii cadhadii ku qaaday
ku dhigiwaydaa qadhaadhe
Markaan qasdigiina eego
Ma jiro qiil dhiig u daato.
Majiro sabab loo qudhgooyo
Qof aad tebi kaalintiisa.
Intaan qab ilaalintiisa
Qubuuro u buuxinayno
Qafladi waa xaaladdeena.
Waxaa la qabtaaba caano
Markay dabadeed qubtaane
Qoryaha dhiga oo xalkeena
Labada kala qaada ciidan
Oo waa lays dabaqabtaaye
Qaybaha sii nool badbaadsha.
Негізгі бет Qoryaha dhiga oo xalkeena.
Пікірлер