Qaybtan waxaan ka soo maan-guuriyey ruwaayadii caanka ahayd ee u sameeyey fanaankii weyna XASAN SHEEKH MUUMIN ee ''Shabeel Naagood''
Ruwaayadan waxaa u sameeyey Xasan Sheekh Muumin Lixdamaadkii (1960).
Waxaana wakhtigaasu ahaa mar bulshada Soomaaliyeed xoola dhaqatada iyo beeralaydu si tiro badan aay magaalooyiinka ugu soo qulqulaysay.
Siiba magaalada Muqdisho iyaada oo qof waliba rajaynayo ama u doonayey bal in u ka helo dheeftii aay dowladnimadu keentay
Ka dib is-raaci iyo dowladnimadii Lixdankii (1960 kii).
Ruwaayadu waxaa ay ka warameysa khiyaamada iyo dhaqanka cusub ee nolosha Muqdisho.
Siiba haliilka ragga iyo damacinimadiisa maansadda soo socota waxay ku socota SHABEEL oo u jilaayo CABDALLE RAAGE iyo SHAMADO ay jilayso MARYAN MURSAL.
Waxaana Shabeel iska bixinayaa shaadhkii muuminimo oo u markii hore u soo gashaday Shamado waxaa u la soo baxaya miciyihii shabeelnimada.
Shabeel waxaa u ku guursaday Shamado meher qarsoodi ah isaga oo qiiq isku qarinayaa oo aana u sheegiin noloshiisi hore iyo u jeedadiisu waxaa ay tahay.
Негізгі бет RUWAAYADII SHABEEL NAAGOOD - Shabeel iyo Shamado.wmv
Пікірлер