Da looxaa lagu dhigaa
Dariiq waa lagu socdaa
Dadnimo waa loo dhashaa
Dadii kale waxaan lahaa
*************************
Waayahan deeleyda gabay
Waan daayoo manan dirin
Dareen iga guuxayiyo
Danbaa igu tiri gudbiye
*************************
Raiiskaan doorannow
Warkoo isku duuban oo
8pKu daabacan baal dahaba
Dareen dhab ah iga gudoon
*************************
Dalkii adigaa xakuma
Adaa lagu doortayoo
Dunida ku aqoonsatee
In aad noo duubatoo
Dadaashaan kaarabnaa
*************************
Sodan sana baa dil iyo
Dagaala sokeeya iyo
siyaasad is diidan ay
Soomaalidu daashatee
Allaa kuu dooray ee
In aad isku soo duntoo
dadaashaan kaarabnaa
*************************
Somaalidu waa dadku qura
Majira ruux ruux ka duwan
Haddana weyis diidantahay
Ayadi baa leysku diray
Allaa kuu dooray ee
In aad isku soo duntoo
dadaashaan kaarabnaa
*************************
Soomaalidu kala didoo
Qaarbaa dibadaha ku lumay
Qaarbaa doonlagu raraa
Baddàa lagu daadiyaa
Duruuftii baa baddee
Allaa kuu dooray ee
In aad isku soo duntoo
dadaashaan kaarabnaa
*************************
Shasheeyuhu waa dulliye
Atmis oo oodnaga dirtoo
dakleena kasraata oo
inagu aan isdaafacnaa
dadweynuhu waa rabaan
*************************
Mudana dowladaha qaar
Dantoodeey eegayaan
Dollaal bey bixinayaan
Dadkeeney doonayaan
In ay isku sii diraan
Addaa lagu doortay ee
In ad naga daafacdoo
Danteena wax aan aheyn
Ka diidaa waan rabnaa
*************************
Dalkeenoo nabad ah oo
Dunida la hishiis ah oo
Durbaba hurumaraan rabnaa
*************************
Da'yartoo shaqa heshoo
Qabiil laga daayay oo
Aqoon lagu doorbidoo
La dalacsiiyaan rabnaa
*************************
Dadweynaha i maqlayoow
Dardaaranki waa dhammee
Haddane waan duceeynayaa
Bal aamiinta igu dara
*************************
RAIISKAAN DOORANNOW
Midkaan dooneynay iyo
Illaah kii lagu dagoo
Dadkiyo diintaba anfaca
Dalkeenaha dib udhisoo
Daweeya hagaaga dhigo
#gabay #somalia #abwaan #motivation #hadraawi
Негізгі бет saar lagu dardaarmay madaxweynaha somalia hassan sheikh oo uu tiriyay abwaan abdirashid ahmed.
Пікірлер: 1