Heesta: Sabab Kale Ha Moodine
Erayada : Maxamed Cali Kaariye
Laxanka: Cabdikarrin Jiir
Luuqda: Maxamed mooge
Kabanka: Maxamed Mooge
LYRICS: DHUGMAAL LYRICS
QORAALKA HEESTA (LYRICS)
✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍
Timahaagan sagalkee
Seymo roob aad moodiyo
Sanqaroorkan kugu yaal
Suuradaada oo qudha
Ma siisteen adduunyada
Hadeey ii sinaatee
Adna way sagsaagtoo
Subaxdaan is baraniyo
Saacadan aan joogniyo
Iima kala sokeysidee
Sabab kale ha moodinee
Suntaadii habeenadan
Waan ka seexan waayoo
Seedahaad i goysee
********************
Xalay baan saqdii dhexe
Sariirtaan ku jiifsaday
Sagaal jeer ka toosoo
Suudigaa cadceediyo
Sool iyo abaar baan
Sahay li’i fadhiistee
Adna sidig irmaan baad
Saac doog ku yaaliyo
Seeraha ku maashaa
Sabab kale ha moodinee
Suntaadii habeenadan
Waan ka seexan waayoo
Seedahaad i goysee
#dhugmaal_lyrics #mooge #maxamed_mooge
Негізгі бет Музыка sabab kale ha moodin maxamed mooge | maxamed mooge sabab kale ha mood line | sabab kale ha moodine
Пікірлер: 11