Waxaa si qurux badan noogu soo dhammaaday muxaadaro cinwaankeedu ahayd "Taariikhda Dastuurka Soomaaliya." Waxaa marti noogu ahaa Abdiaziz Gobdoon, oo lataliye ka ahaa Wasaaradda Dastuurka JFS. Wuxuu nala wadaagay guudmar ku saabsan sida uu ku soo bilowday dastuurka Soomaaliya iyo qaab-dhismeedkiisa. Wuxuu si gaar ahaaneed diiradda ku saaray dastuurka kumeelgaarka ah iyo caqabadaha ku gadaaman in la qabyo-tiro.
Wuxuu ku dooday in rabitaan siyaasadeed (political will) la'aan darteed uu dastuurku qabyo u yahay, waxaana arrintaas lagu xalin karaa in marka hore siyaasadda laga heshiiyo ka dibna DF iyo DG oo wadajira hal meel uga soo wada jeystaan dhammeystirka dastuurka.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa martida, dadkii ka soo qaybgalay iyo cid kasta oo gacan ka geysatay qabsoomidda muxaadaradan muhiimka ah. #HIPADPubliclecture
Негізгі бет Taariikhda Dastuurka Soomaaliya
Пікірлер: 9