As Wr Wb walaal ilaahay haku caafiyo. wadanka aad joogtimd ma ogi laakiin talada ugu fiican waxay tahay inaad talo fiican ka hesho dhakhtar laysku haleen karo oo wadanka aad joogtid laga heli karo. Dhiig baxa dhalmada kadib wuu soo laablaabtaa hadii mar hore uu kugu dhacay waxyaabo badan ayaa keeni kara oo ay ka mid yihiin muruqa riximka oo aan si dhaqso ah size kiisa uusan u gaaban marka cunuga uukasoo boxo, in mandheerta ay ku daahdho riximka dhexdiisa, dhaawac gaara raxima ama xubinta hoose ee taranka. Sidoo kale hadii aad qabtid cudurada hypertensionka ama sokorowga ama burooyin ay ku dhexyaaliin raximka dhexdiisa oo loo yaqaano fibroids ama jiro isir ahaan ah oo dhiigaaga uusan si deg deg ah ku samayn karin xinjirta. Tan HB ga 18 wuu badan yahay taasna sababo badan ayaa keeni kara oo ay ka mid yihiin in jirkaaga oxygenta ay ku yartahay ama lafahaaga inay soo saaraan unugyo aad u badan oo kuwa cascas ay u badanyihiin. Maadaama arintan waxyaabo badan ay keeni karaan talada ugu fiican waxay tahay inaad si fiican u raadsato dhakhtar specialist ah sida gynaecologist hadii riximka dhibaato ka socota ay tahay ama dhaqaatiirta dhiiga qaabilsan oo loo yaqaano heamatologist.
Пікірлер: 11