Qaraan media waxa soo dhameeystirta heesta mooyee talo Si ay noqon iyo heesta jaango Kuwa Darandorika ah soo dhaameeys Tiir Nabaadeey
@AbdiazizSaidAhmed
Жыл бұрын
Beydka 1aad: Sida shiikh muftiyahoo Culimada minhaajkiyo Kitaabada u mariyaan Kuugu soo madiixinoo Alla hayaay@@@@@ Murtida iyo heesaha Kuugu soo mintiminnine Haddaan hadal maldahaniyo Maqaarsaarka necebahay Mayana iiga daran tahay Maxaan anigu yeelaa Adiguna macaaneey Qalbigaagu maqan yahay Maya waxaad tiraahdana Lagu soo marsiinin Is-moodsiisna badan tahay Misna labo is jeceloon Kala maarmin aan nahay Mooyee taladu say noqon?? @@@@@@@@@@@@@ Beydka 2aad: Haddaan madaxsin kuu ahay Maskabkaaga ka arrimi Oon magan la dhawriyo Sida maato kuu jiro Alla hayaay@@@@@ Qalbigaaga mirirkiyo Ka ilaasho murugada Ama muumin socotoo Ii martiyey Islaannimo Haddaan kugu meseeyoo Masalaha aan kuu sido Adiguna aad moog tahay Inaan mu'addin kuu ahay Milgo sharaf leh kula rabo Maamuus rag kaa mudan Is-moodsiisna badan tahay Misna labo is jeceloon Kala maarmin aan nahay Mooyee taladu say noqon?? @@@@@@@@@@@@@ F.G: Wixii erayada qaab qaldan aan u qoray ha la saxo sxbayaal. Abwaankii qoray ciddii nagu caawin kartaana waa fiicnaan laheyd. Alle haw naxariisto Axmed Nuur Jaangow iyo dhammaan muslimiinta geeriyootay .Amiin
Пікірлер: 21