HEESTA : Curadaydii
LUUQDA: Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays)
ERAYADA: Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays)
LYRICS: DHUGMAAL LYRICS
QORAALKA HEESTA (LYRICS)
Cadkii layga beeraay
Curuuqda iyo jiidhkiyo
Curaddaydi kaliyaay
Cosob iyo dhul baadlaay
Geed caws ku caanoo
Iyo dhira caleemeed
Saddexdu is cidhiidhyeen
Oo dirir cawaysimay
Kaga hooray cidhifyada
Qorraxduna cadaysoo
Casar gaaban ay tahay
Oo camalka doogada
Dhulku midab cagaar yahay
Curubtii magooshiyo
Lagu mood tin iyo cidhib
Fallaadhii cadceedee
Ilaahay Nin caasiya
Yaanu cudduda kuu galin
Ilaahay Nin cadho badan
Yaanu cidhifka kuu sudhin
Midaan caashaq kuu noqon
Yaanu calafba kuu gayn
Noloshaadu caarcaar
Yay cidhib xumaan noqon
****************************
Timaheedu waa culay
Camal saynta gariloo
Caara looga duwin faras
Caynaddooda guudkee
Caddaan haw badnaadee
Indhaheedu waa cawl
Cidhibtana madoowoo
Nuur lagu cidaadee
Curdin weeye uguboo
Aan seed ku celisiyo
Lafa culus lahaynoo
Cuno kuu maraysoo
Caydhin yahay jidhkeeduye
Illaahay nin caasiya
Yaanu cududda kuu galin
Illaahay nin cadho badan
Yaanu cidhifka kuu sudhin
Mid aan caashaq kuu noqon
Yaanu calafba kuu gayn
Noloshaadu caarcaar
Yay cidhib xumaan noqon
#dhugmaallyrics #dhugmaal #dhugmaal_lyrics
Негізгі бет CABDI QAYS | CURADAYDII HEES | CABDI AADAN XAAD | COSOB IYO DHUL | COSOB IYO DHUL BAADLO | Curadaydi
Пікірлер: 16