Halyey iyo mujaahid somaliyeed allow kuu naxariiso..👐🤲🤲 Awel maanso waa taan gudboo, gurina waayaaye Waataan galbeedkaas u diray, guga hortiisiiye Aan gaasheeyo tii hurdada xalay, gama’ ii diidday Galladaha Ilaahay ka badan, geedahaas baxaye Guushuu inoo yeelay baan, idin garwaaqsiine Guddiyey i maqal waxaa tihiin, gacaladaydiiye Nejiskii gurta xumaa1 hadduu, shalay geeriyoodey Godka lagu cadaabkii haddaan, gowrac ugu jiidey Uu guduri cunay waa waxay, galabsanaayeene Dhurwaagii ka giigaan u diri, gacan salaameede Isagey gargaaroo dugaag, iiga gooniyahe Haddaan garan gunaan siin lahaa, gooriyo ayaane Gantaldheere waataan wax badan, guunyaduu maraye Gef hadduu ku sii daray wixii, lagu gufeynaayey Anigu waw garaad qabay inuu, gigi waraabuuye Giriirix aan jirin waa wixii, gaabshey oo rogaye Gaalayska waataan la dhacay, gucurradoodiiye Haddeeyaan abaal gedin sidaa, uma gadoodneene Godolkiyo gasnaantaan u qabay, kama gasnaaneene Kama gaagexeen abid hadday, nabad ku goohaane Waxse mawd ku gaardiyay markay, ganafka taageene Gubaygii Shuxle2 ahaa haddaan, gowsaha jebiyey Gegida Yuusuf3 jiifaa tukuhu, gebas dhebaayaaye Geesaaska dumarkaa sidii, dumar la moodaaye Geed-joogahoodii haddaan, gudurigii siiyey Guska taajir4 baa ii haraan, ugu gamuumaaye Cismaan iyo waxaan gaadayaa, gabannadiisiiye Majeerteenka kale inaan ku gudo, weyga garanuuge Garacyada Bah-Dira haatan, guuto loo wiciye Waa lagu gadaal xoorayaa, gurigii reer Nuure Gabagaba-rogaalkaa warmaha, lagu garanayaaye Goob bay ku wada le’an sidii, goosan weer helaye Gafuurroxun sidii Eebbahay. Guuldarro u raacshay Afartaa geddii aan bartiyo, gololo’deydii dheh Gerbidaan ka soo hoorin jiray, godol neqaygii dheh Madfac gow yiraahdiyo rasaas, gininigtoodii dheh Guluciyo mayay la isku daray, galangalkoodi dheh Gal xareeda daad soo gabraday, gal iyo duufaan dheh Bad gariirtay mowjada gurxamay, gacammadii Ayl5 dheh Shir la gooday waayeel gab yiri, garangartiisii dheh Xiriir lagu gimaamadahayiyo, gole firaasheed dheh Xaajada ninkii garanahayiyo, gig iyo sheeggeed dheh Gobo’ kalena waa aniga iyo, ged iska sheeggayga Galiilyoodayey cara miyay, gubatay laabteydu Gogoshii la sii dhigay miyaan, geydh la qaban waayay Gabbal dhiciyo waabberi miyaan, socod ku garraaday Gadiid maalin oo dhan miyaan, gaafka sare meeray Sidii awr gabreed miyaan, gululubluu rooray Ma gudoodigiyo suudigaa, gubadka ii yeelay Ma geddaba dhabadkaa sidii, geri i boodheeyey Gooxii aan yuururay miyaan, gibii madoobaadey Raggii igu gadaanna, miyaa aakhiro u guurey Goortaan garwaaqsaday miyaan, gocoshadii eeday Gammiinkaan xanuunsaday miyaan, gorodda laalaadshey Gelin haddii aan fooraray miyaan, giirka kor u qaaday Guhaad iyo calool xumo miyaan, geyrtayo diriray Hadba gees miyaan dayey intaan, gownaxyada buuray Guntigaan maroorsaday miyaan, labada low geeyey Gaashaanka iyo tiirigiyo, gamas miyaan qaatay Ma gambaan u taagnahay intey, gaadho noloshaydu War ma Dhooddii6 baa gaamuroo, garabku weynaaday Ma gaalasya midaan ku shubay, gamashigii deyrta Gorgor dhacay la moodyoow durduro, ma igu gooraamay Godobteydu waa wada jirtaa, goonyahoo idile Geshi nimankuu leeyahayba waa, dabageleyaaye Waxaan goosan karo anigu, waa gurubsanahayaaye Gardarradiyo maaggii i helay, waan ka geylamiye Gartay weeye dunidaba inaan, galalafeeyaaye Geyigaba waxaan doonayaa, inaan gumeeyaaye Nin ganaanayaan ahaan, gabarna dhaafeyne Waxaan geystoo idil wey, gun iyo rayrayne Wixii ii guldarreystaba naflaha, wow gaggabayaaye Anigaba geddey igu faleen waa, gaggaab culuse Gallad nimaan ka qabo laguma oga, gebiga Daaroode Giddigoodba waatay girliga, nagu garaaceene Anaa gaafahaygii nadhaye, geste nabarkiiye Anaa rasaasta waxaan u gingimay, gini colaadeede Gabagebaha bari waxaa ku xigi, go’aha Iiddoore Guban7 iyo Burciyo8 Looyo9 waa, gaalib weerara e Gooddiga Arooraa10 fardaa, lagu garmaameyne Garoodi iyo waxaa lagu tegi, buurihii Golise11 Galaayuubta Hagar-Aaden baan, gaaddadow marine Genbi waw ridi fulayadii, ganafka dheeraaye Geeltoosiyaha waa la siin, gucurradoodiiye Sidii garow hadhuudh baan kurtiis, guran Ogaadeene Galaamaha haddii aanan ka deyn, goor walba jooga Inshaa Ilaahu waa gurahayaan, sidii gal miireede Guuraasiyo12 Iljeex13 waa la qaban, gooshka haatana e Malahayga waa lagu galgalan, gaanka reer Dalale Gaas baan ku caran reer Subeyr, goborra weyntiiye Kolaan Gooro-cobbaley ka dayo, amase Geel-loo-kor14 Huwan waa ka gelingaabsan jirey, gelin ma waayaaye Haaruun xaggee baa la geydayan, Goha15 miyuu dhaafi Afartaa gudbaye balaan mid kale, soo gadaal celiyo Sidii goray garraar sare ka baxay, garabka maan taago Waxa guudka iga fuushan iyo, galayax maan muujo Gebgebtiyo gallaydhyeyntu waa, godol hortiisiiye Ninkii gooman waw shubahayaa, galaxa caanoode Gabbaan laguma soorenin raga, balaan ganuun siiyo Waa gaaxsanaan jiray tan iyo, garashadeydiiye Sidii goodir dhalay haatanaan, gaawa leeyahaye Aan gofleeyo geerarshahaas, gaafan baan ahaye Xaajada nin gunaan ahaye, aan u garraddeeyo Markab aashi gaambiyi sidiis, balaan u guureeyo Meeshuu garaadkeedu jiro, gow aan kaga siiyo Niman gedo yareyn baan ahoo, Gaaddaweyn16 jiraye Waa ii garaad li’i dantay inaan, ka gaaftaaye Goba kalena waa Eebbahay, midaan galliimeystay Eebbow geyiga oo dhan waa, nalaka guulaaye Waa noo gedleeyaan dadkii, gaalada ahaaye Eebbow Giriig kolay ku tahay, nala gamuuneeye Go’na laguma qaadine dulmay, nagu gelaayaane Gabbaad kale haddey noo helaan, waa gam’i lahaaye Eebbow waxay nagu gabreen, diinta soo gala e Eebbow gadhka haddaan qabsaday, gaaxshe nabaddiiye Eebbow gamaan iyo waxaan gini, cas dhiibaayey Eebbow garow kagama helin, goolashaan wadaye Gambalaaligii bay warmaha, nagu garraaxeene Eebbow waa gumaadeen raggii, gaanaha ahaaye Eebbow waxaan gabawareen, Gaagguf17 iyo Xayde18 Xirsigii19 garaaraha lahaa, gaarufkii dila e Geydhaale Aw-Aaden20 bay, galowga taabteene Eebbow geesigii Ina-Dherey21, ugu guduudsheene Guxushaaga Beynaxa22 ilmadu, waataan gabaxleyne Gorroska Muusae-Taaganaa23, wadnuhu ila gariiraaye Eebbow weys gamaamaa markuu, gaarka soo waro e Guuleedku24 wuxuu noo ahaa, guurtii loo hirane Nimankii garaaddada ahaa waa, garow jabane Eebbow sidii gaantii maro, waa la gaasiraye Eebbow gaari bay reer Warfaa, guradii saareene Gudbi baan ku dhacay reerihii, gannaan jiraye Eebbow gooni baa lagu heliyo, guri qalaadheede Gugii ka haray reer Shawaa, caydh la golosleyne Waxa godey sidii qaanso, waa gaajo iyo ciile Eebbow waxaa gorof ku raray, duul Geshiishaaye Cali geri sidii loo gondoloy,gobolba meel aadye Waa galangal nimankii fadhiyey, guriga Ciddeede Eebbow gurbood baa hadhiyo, gaban agoomeede Eebbow goonji weyn iyo xaq bay, naga gullafteene Guullow ma helayaan waxay, nagu gubayaane Eebbow waxay naga gogtaan, waa gaaloof olole Eebbow sidii guun haween, giidu waa aniye Eebbow nin goba baan ahoo, guni rifeysaaye Eebbow waxaa noo gurmaday, gaaya alifleeye Ma garaysni Eebbow waxa, guufanayska ahe Eebbow gabooddii dorraad, waan ka gara’layne Eebbow markaan geylamay, guulmiyoo biqiye Eebbow guddoonkii sharciga, gooye bahashiiye Eebbow kufriga gedaftalay, gacanta haystaane Eebbow anaa kugu garlee, guusha hay seejin!
@fartingali4455
2 жыл бұрын
ئ فف5
@nuradinibrahim1126
Жыл бұрын
Чччччдддвб😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊😊
@Cr71251
9 ай бұрын
@@nuradinibrahim1126Спасибо😮😊
@sa4ever243
3 жыл бұрын
Sayid Naxamed alle ha’u naxariiste ciidankiisa iyo Cadowgiisuba Harti bay ahaayeen markaan Ingiriiska kasaarno. Aniga Mj ban ahay reer Nugaaleed/ doole Somali galbeeda, labadayda awoowe Daraawish bay ahayeen , mid asagu dagaalkii darawishtu ku jabray buu ku shihiiday alle ha unaxariste, kan kalena asago 123 jir ah buu xamar ku dhintay 1982 .
53:40 waan dhameystay dhegaysiga dacwada sayidka. horta wax walba marka laga tago .maxamed cabdille wuxuu ahaa Aftan'abwaan'caalim.macnaha meel walba waa ka gabyi jirey hadey noqoto dumarka,colaada,dacaayada .iyo weliba diinta. Ninkii Hadlayaaba ha isla hadlee Ninkaani mucjiso ina soo martay buu ahaa. alla ha unaxariisto .magantii fardawsiyo Hatago meel udgion badane..
@cabdijibaaryare1903
3 жыл бұрын
Drtt77888888999
@socdaal
3 жыл бұрын
Ilaahay dartiis u jeclahay mar kaste oo aan magaciisa maqlo waxaan jeclahay in aan u duceeyo in uu ilaahay janada fardowso galiyo anaga iyo intaan jecelnahayne hanagu wada kulmiyo meeshaas. Inta wax ka sheegto waa dad jiran sayidka waa bini’aadan qaldami kara balse diin jaceylkisa iyo jihaadka uu gaalada la galay wax la qiyaasi karo ma’ahan.
@ahmeddanan4618
3 жыл бұрын
Maasha Allh nin sida u fakaraya Hadaa tahay Alle haku dhowro wllo
mansha alaah ilahoow unaxariso sayid Mohamed Abdile Hassan wuxu ahaa gesii gesi dhalay ruuntii markan dhagaysto gabygisa wan qiroda alaa man jogoo ayantas
@user-ig8jj8lp1e
4 жыл бұрын
Haduu ilaah qadaro doolad baa dhisi 2035 haduu eeba qadaro sayyid ka ayaan ku dayani hadda ayaan bilaawi lahaa lkn ardey baan ahey da,deedana weey is ka yartahey dad i raaca la ma arkaaya 2003 dhashey
@xuseenibrahim4070
4 ай бұрын
❤❤❤❤❤🎉🎉🎉🎉
@abdlahmahamed9833
4 жыл бұрын
ilhy ha u naxariisto
@wiilocabdul6383
Жыл бұрын
Illahay ha u naxariisto sayid maxamed cabdule xasan qabriga allaha u qaboojiyo aamiin
@user-eq3ni4tm5w
4 ай бұрын
Ilahay ha una xariisto sayid maxamed cabdule xasan
@fadumoali7402
4 жыл бұрын
Allah ha u naxariisto sayidkeenii 🇸🇴💙 Waa gabay qiiradiisa leh☹️💔
@use_996
4 жыл бұрын
Allah haw naxaristo sayid maxmed iyo awoowayashy halkan lagu xusay, ilahaw janada nagu kulmi
@cabdulahijeeri880
5 жыл бұрын
Sayid maxamed abdile xasan allow kuu naxariiso alla ninku xaninyo badnaayaa
@isxaaqmaryacade18
6 жыл бұрын
Geesigii Daarood Nin Gabay Ku Gaara SoomaLi Oo Xooga Ka Level Sareeya Waxa La Oran Karaa ( Raage Ugaas) Wana WiiLal Daarood SomaLi Waa Daarood Iyo Wax Lagu Qurxiyay Mazha Alan😍❤
@suhaybosmaan1973
6 жыл бұрын
abti daarood yay kaaga dhegin ninkan alla ha u naxriiste qabiil waa ka wayn yhy wuxuu jirida soomalida marka wadani qabiil male abti tnx
@abdirahmanhussein9488
6 жыл бұрын
Markaad leedahay waa Darod, waxaad uga dan leedahay waan ku fahmayaa. Waa inaad bahdisho halgamaaga oo amaanta laga daayo, laakiin xasid weligii liibaani maayo
Allaha unaxariisto Sayid 💖💖💖💖Maxamed Cabdulle Xasan 💖😍😍🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴🇸🇴
@xuseenibrahim4070
Жыл бұрын
ASC Ramadaan kariim ❤😂❤❤
@yaasiinsuleiman4941
6 жыл бұрын
Sayid wuxuu ahaa gees soomaaliyeed
@adenhersi4127
5 жыл бұрын
The truth is that he was the best gabayaa past en present.but he was also a mass murderer, outlaw, and tief .many nomadic and pastoralist hearders suffered under him .no tribes was safe from him, Issac, darood greatly suffered under him.I think the sayid was a terrorist of his time.even if most of my tribe (dhulbahante ) support him , they are wrong.it is what it is
@someditins
10 ай бұрын
halyeey aan ku daydo noqonna doono sidiisi oo kale allaha iga aqbalo Allow iga yeel kii amxaro iyo kiin yati meshey jogan ku baabin lahaa Allow una xariiso sayidka😢 Aamin👐
@chuaibtvchannel5361
5 жыл бұрын
Sayid maxamed cabdile xasan waa aasaasihii daraawiish sayidku wa wadanigii ugu horey ee soomaliyed oo ingiris jabshay waxana u daliila (ingiriis jabyoo waxa ku dhacay jac iyo baaruud dheh)
@HardTalk1
4 жыл бұрын
Anigoon ingriis u hiilinayn, Sayid waxa LA jabiyay 1921 40sano kadibna waxa tegay ingriis ka tidhi waxa jabiyay Sayid ka. Mar LA waydiiyay Sayid ka dagaalkiisii wuxuu ku jawaabay intii aan jarayay caws-kii aniga iyo geedka noo dhexeeyay ayaa wakhtigii iga dhamaaday. Bal taa macnee
@farhiahurfe9471
3 жыл бұрын
000o9778hjm0
@mukhtarawad3826
2 жыл бұрын
Shacabka Soomaaliyeed Midimo Alla Wacanaa Ssc Be Proud Be Soomaali
@suleekhosuleekho6939
7 жыл бұрын
ilaahoow sayid midlamida soo bixi sayidkana unaxariiso
@dblockforlife2044
6 жыл бұрын
The greatest darood man to ever walk in this planet may allah have mercy on your soul he was from ogaden clan hes reer abti was dhulo dulbahante
@professionalhacker2834
5 жыл бұрын
@Adam Jama Ader faqashta weyan raga tariiqda Somali o dhan sheegato zayidka taaladiiza sudhan Jijiga garaad wiil waal, raage gaas, ahmed gurey waa rag D block 😂😂😁😁
@AhmedMohamed-lm1rl
5 жыл бұрын
@Adam Jama Whats your problem?
@AhmedMohamed-lm1rl
5 жыл бұрын
@@professionalhacker2834 Who was Ahmed Gurey?
@AhmedMohamed-lm1rl
5 жыл бұрын
MashAllah, you are right
@bkl9090
5 жыл бұрын
Adam Jama hhhhh
@hodandualeh9021
4 жыл бұрын
ALLAH HA UNAXARIISTO SAYIDKA!!!
@yusufxaydho4704
5 жыл бұрын
Allee hawa naxariisto Qabrigana hawa nuuriiyo Yaarabi Gesi Geesi Dhalay
@walifarah101
3 жыл бұрын
SAAHA KACAY Saha kacay sababahakan dhacay, samada qiiqowday Sannahaabo iyo qaylo iyo, siigo iyo weerar Dunideer saraayada col iyo, salowga oomaari Saaxiibbadeer kala ordee, sadarba meel saday Sokeeyaha safeyn kala noqdee, suuqyadeys geliyey Soddognimo qaraabiyo hadday, siiradi dhimatay Ummaddii salaaf iyo hadday, sagan la roorayso Hadday saacideen gaaladii, saraca keenaysay Sallallaahu Nebigii haddii, sowjar1 laga doortay Saraakiisha dhoorka leh haddii, lagu sarqaamaayo Suweyn baan dadkiis ahay haddii, sowdka lagu yeerin Isagu seeruhuu dego haddii, saakun laga yeeshay Awgii siyaarada lahaa, salal hadduu qaaday Oo ay sahwiday culimadii, saxal mariikhowday Saxariirka aakhiro hadday, sax u ogaan weyday Hadday sanantay maantii sharciga, saaca loo kiciyay Oo ay subbeehiin noqdeen, silic Alla u keenku Ka subxaanallaahiye kufriga, sanac hadday moodday Sidii Eebbehay yiri haddii, laga sawaalaayo Soonkiyo iyo salaaddii haddaan, suura laga haynin Sekadii Ilaahay haddaan, suus la bixinaynin Xajkii sun iyo waabay haddii, loo saddimanaayo Ninkii soof xerayn jiray haddii, saabir laga yeelay Sirqadii gabowdiyo haddaan, sebi la dhaafaynin Sir iyo tuugo saanjigaa la fali, saaka iyo caawa Subaxdii waleetaba dulmiga, la isku sawalliilin Saddexdii walliyo been waxeer, suuqa lala meeri Sunniyo waajib sooryada martida, sadaqaddii iidda Suugaanta iyo suufinnimo, saamixiddii diinta Sucdigii haddii laga tagee, samo la diidaayo Gabar suura aqal saari badan, dadab la saynsabay Soddon baarro saablay gingiman, sareba ceegaagta Salli gogola saahood la shiday, saaqatada qaaca Sannifaad xariiriyo baftiyo, khayli iyo suuti Sengo buuran soogaan darmaan, salaba guud dheer leh Sidko ramag seenyiyo idiin, Soobir iyo Ayro Nimay sararo weyn gool sikiban, qaalmo surunsuura Abeer suruqda oo awrsanoo, siigan lagu qooqshay Lo’ sammuulad arigoo sunuumi, sabada oo buuxda Sareedadii Ilaahay haddii, loo saldhigi waayey Si gurracan haddii lagula kici, sado ninkuu dhaanshay Goortii lagaa sido haddaan, lagu salaamaynin Saadkii hadduu dhici ninkii, lagu sibbaaraayey Hadduu siir xun kuu qaban ninkaad, sare u qaadaysay Inkastaad saxiix tahay haddaan, lagu sinaadaynin Ninkii xaqa u saahida haddii, saa’il lagu maagi Weliyada sawaabka leh haddii, suufka laga diiran Haddii aan safiih nimaan ahayn, laga saarrigaynin Intii kugu sintaarrayd hadday, siifad kula dooni Nimaan saaqna kaa gelin hadduu, suudi kugu meerin Adaan sara u yeellayn haddii, lagugu soo haadi Hadday teeddinimo baaqatoo, siira tari weyday Saddiiq nimaad ahaydeen hadduu, kuu sallimi waayey Ninkii kheyr sunneyn jiray hadduu, samir Ilaah joogo Nimanyahow siyaalaa jiroo, saancaddaa timide Sifaalaha adduunkeera waa, lala sureeraaye Malaa saacaddii baa dhawoo, suurkii la afuufye Sugi maayo kheyrkay wuxuu, seegay waayaha e Waatii saxaabkii la jaray, suubannaan jiraye Soddon-guuradii waxay ahayd, sannadda maantaaya e Siinniyo2 Hindida3 Siidaamo4, Siig5 iyo Reendiinle6 Sudeen iyo Sureer iyo Hawiye, Sab iyo Soomaali Subeer Maxamad Siwaaq Hartiya, Sade Marreexaane Sanku neeflc oo idil haddii, saafi laga waayay Oo aan samaain laga helayn, si xil le mooyaane Marka inaan dantay seego, waa igu silloonaane Nin sidayda oo kale noqdaa, sebi ka weynaaye Ninkii suqayar ii filahayow, sayncaddaan ahaye Inkastoo la ii saamadaho, sowdka waan garane Haddii uu nin siriq ii maldihi, samasha ii daadin Haddaan lay sandihin waan ka didi, saarka laaca ehe Suryada iyo hantaqa ay qodeen, waan ka suudaliye Uunkaba saqiir iyo kabiir, waan ka sowlixiye Inkastay salaax igu wadaan, ima sabaayaane Sanqadhaan ka didayaa sidii, sanis ugaareede Sonkor iyo sarreen malabkiyo, sixin ku iidaaman Haddii lay sanuunado hilbiyo, Sado la googooyay Saneeggaan ka rogayaa waxay, iigu suul dhabiye Sii kac oo tag baan oranahayaa, saadambaan imane Aroos reer suldaan iyo ninkii, sowjad igu dheelmi Dabadeedna sool hawada iyo, seeri baan xuliye Saqaafaha cagtaa raadku, waa siisahoo kale e Markuu saamasaamaha galaa, lagugu suufaaye Sallax dhagaxa meeshaan lahayn suulashaan dhigiye Waayeel sahay ii wadiyo, saami iyo xoolo Sarsarkiyo hadday soo degaan, suuqa gurigayga Sad inaan ka qaatiyo ma jiro, inaan ka socdaaye Cimrigay sagaal boqol haddii, lagu siyaadeeyo Nimankii iblays igu salliday, suruq anaan keenin Sadarkayga kuma taal inaan, sahal u raacaaye Haddii seefo iyo maarre iyo, sumuc la ii qaato Cadaawuhu hadday igu solaan, sakhra naareedda Meeshiyo Sawaakimi7 haddii, la iga seeraarsho Sekadii Cadmeed iyo haddii, Saaxil8 la i geeyo Ferenjiga la saariyo haddii, la igu sooyaansho Samci maayo sowdkaan ahayn, siinka looxa ahe Eebbow salaamay anaan, sadarka weydaaran Mar uun baan sursuuraha ka bixi, saymahaan galaye Eebbow naflii kale sugaye, adigu ha i soocin!
@ahmeddanan4618
3 жыл бұрын
Gacantaada Alle hakuu daayo ku soo qortay Gabaygan wllo
@adansalaxguuled179
4 жыл бұрын
Ilahay unaxariiso geesigaas soomaliyed iyo intii garabka Uhayd ilma ayaa igu soo istaagta Markaaan maqlo siduu wadaniga u Ahaa iyo sidii soomali gaalada ujeclayd
Allaahu Akbar allow kuu naxariiso waleee ragiii soomaaliyeed Ee raga ahaa Rag lamood baa badalay
@chuaibtvchannel5361
5 жыл бұрын
Nasro Ismail Ahahahah halka waad gaftay
@mohaabdi3534
5 жыл бұрын
Naga yaree sxbey
@abdiwahabdini274
5 жыл бұрын
Gun baa bedely gobtii hore ee somaliyed allow na bad baadi
@qadaribrahim438
5 жыл бұрын
Dee faw
@hindamaxamuud5541
2 жыл бұрын
Sayid Maxamed Cabdule xasan ilaahay ha kuu naxariisto Qabrigana allaah ha kuu waasi ciyo waxad ka digi jirtay Allaah baan ku dhaartay ee waa nagu habsaday Soomaali nina gumays tihi 15 qolo ayuu u qayb shay oo aan is geyin Oo kala qoqoban oo kala calamo ah Tollaay yaa dunida ku keena saacad aad bal waxa dhacay?????!!!! From berbera /isaaq habar awal
@hawakarshe7904
7 жыл бұрын
Allaha u naxariisto geesiga.
@gadoonmedia7836
4 жыл бұрын
Alle ha unqxariisto janasiisana ha ugu bishareyo
@alimaxamed3660
5 жыл бұрын
Taariikhdaas 100 sano ka hor bay aheyd laakiin ayadii oo aan biyo la marinn ayaa taagan hadda. wadankii waa la qaatay qofkasta oo Somali ah waxa uu dhaleecaynayaa wiilashaas duurku ku jira oo Amxaarka Ugaandheyska hurdada u diidey
@haadisugalcalixidigyare2539
4 жыл бұрын
Ali Maxamed Haaa waruntaa walee been kumaada sheegin
@adamsalax9725
4 жыл бұрын
Ali Maxamed
@Really2025
Жыл бұрын
Dadkeenu badanaa waxay ku mashquulaan khiyaali iyo waxaan dan u ahayn. Been, beeni dhashay u sheeg. Meelah joogaanba. Xitaa gaaladaa la yaaban. ALLAHA XAQA na tuso.
@kingshire8236
7 жыл бұрын
allah haunaxaristo lkin dadkeenu ayagaa isaharay o gacmaha iskuqabta cadowga.
Aniga ah reer nuur ASC soomaaliweyn maqriib wanagsan
@abdirashiidahmed8573
6 жыл бұрын
alle ha unaxariisto geesiga afrika gar ahaan gesiga umada somaliyed
@jamadibrahim9655
5 жыл бұрын
Ilehaunaxriisto😭😭😭
@user-eq3ni4tm5w
4 ай бұрын
Ilahay ha una xariisto sayid maxamed cabdule xasan 7:49
@wacanali3595
6 жыл бұрын
Allow u naxariiso Somali hadii eey raaci laheyd maanta xur beey ahaan laheyd laakiin ingiriis ayeey moden in uu wanaag u sameynayo wakaas dhulkoodii kenya yoo itobiya u kala qabo
@sahrashiil354
2 жыл бұрын
Alle ha u.n.r.tell 😭Waa nin isku darsaday 3nolosha u fcn👍✔geesimo guul leh✔aftahanimo xeel dheer✔dion adkeysi💜💓💓💗
@user-lg5cq3pf8q
6 жыл бұрын
allah u naxariisto
@libanabdiwali8524
Жыл бұрын
Allah haw naxariisto Sayid maxamed cabdulle xasan🤲🤲
Geesi somalo Geyigii bàay geerida dabadede. In gaal madow ba lagu soorshay Gayigii weynaye. Intii so hartana Gunba hogan loga dhigay Gayigii somale. gabal gabey bey u gooyen baaqigi haray .garan meyno goortan ka bixin gubashada iyo ciilka. Allah ka raali noqdo
Пікірлер: 386