Ereyada iyo Laxanak : Axmed Ileeye Samatar
Hal abuur, Heesaa Axmed ileeye samatar waxa uu uga qayb galay tartankii heesaha hirgay heestii Yaan wiishku kula tagin. waana mu'allifka heesta isku maan ogayn waxaana qaada cabdikhadar xasan laari waxaa la sheegaa inta badan noloshiisa inuu ku qaatay magaalada burco halkaas ayuuna ku xijaabtay.
Video : www.pexels.com...
Lyrics
-----------------
Sida waqalka roobkoo
Waaberi hillaacayoo
Dhulka wadhay xareedoo
Rahii wada dhawaaqay
Markay waaxyaheediyo
Wacaneey tallaabada
Hadba dhan isu waabtaa
Jidhku way dubaaxshaa
Siday iigu weyntahay
Wax yoonayaa
Ma waalniyee jaceylkiyo
Darteed baan u weernahee
Walafkiyo dhibaatada
Inay iigu wacantahay
Wadarta i maqlaysaay
Ayaa talo ku waanshoo
Ugu qora wargeys yada
Waxa aniga la i baday
Wiilo yaa ka raarida
.......................................
Waxaan ugu duceeyaa
Sida waalid kii dhalay
Waynaha uga tuugaa
Samo inay ku waarsto
Noqonaa walaaliyo
Dad is waansanaayoo
Wadeecadaa aduunyada
Iska weheshanaaya
Isku wiirsanayniyo
Wacadna uu dhexyaal
Waxkastoo yimaadiyo
Dhimashadaa wadaagee
Walafkiyo dhibaatada
Waxa ay ku sugantahay
Waxa dhimay anoon garan
Weedhii aan iraahaba
Sidaan dilay walaalkeed
Dhan bay uga wareegtee
Waji dadabku waa maxay
.........................................
Sida geel harraad wado
Waaqladaa ku oomayoo
Loo horay walwaalbaa
Caashaqu wadaamaha
Halkuu iga waraabshiyo
Wixii aan kasoo maray
Hadday waayo leedahay
Weedh xun iima quudheen
Waaceensigeediyo
Waayahaan u sheegtee
Wax ku qaadan waydayoo
Anay wari i raacdayee
Waaya araga caashaqu
Wali kama ay sheekeen
Jaceyl wiik dhamaadee
Gooray nabadii wiiqdiyo
Waxay uga golleedahay
Midna kama warhayninee
Waji dadabku waa maxay
Wadarta i maqlaysaay
Ayaa talo ku waanshoo
Ugu qora wargeys yada
Waxa aniga la i baday
Wiilo yaa ka raarida
Негізгі бет HEES | Ugu Qora Wargeysyada | Axmed Ileeye Samatar | Original + lyrics
Пікірлер: 40