/ jaalleallemagan
THE LEGEND . CABDI XASAN (DIGE) .
Dige waa fannaan cod macaan. heestaan waxaa alifay Aun Abwaanka weynaa Sahal Macalin Ciise.
Adoo joogsan waayoo
jugta wadanaha gaadhiyo
jiro ay ku heyso
jilbahana lagu ridee
jeenanka tii ku siin laheyd
jeenanka midii ku siin laheyd
Hadey kulaba joogin
soow iil ma jiifteen
Ruuxaa jeclaatay
oo beer jileec leh
jinni kaama celiyee
Hadey laabtu kaa jeedo
adna jab kuma laabnee
Dumar taad ka jamaatee
Hadduu jeceylku lacag yahay
jowhar iyo luul yahey
'''
Adoon jawaab xun aan oran
jawaab xumi adoon oran
Jidka hadey kuu orodo
jirku siduu ku noqon lahaa
Ruuxaa jeclaatay
oo beer jileec leh
jinni kaama celiyee
Hadey laabtu kaa jeedo
.....................
adna jab kuuma laabnee
Jahanama ma doontoo
Anoo nabad u jiifsaday
jalfis ma isku waaloo
jid dhexdiis ma seexday
Lug ninkii is jabiyaa
asagaa koley u jiisee
jiso taan ka filaayey
jees jees ma ii dayday
Ruuxaa jeclaatay
oo beer jileec leh
jinni kaama celiyee
Hadey laabtu kaa jeedo
.....................
adna jab kuuma laabnee
Негізгі бет HEESTII JEENAN
Пікірлер: 123