LEGEND CABDI XASAN (DIGE) . HEESTII DHUDI WAXAY KU NOOSHAHAY DHUDUB & GALLAADIYO CEELKA DHAQANYOBOOREED HAWDKA U DHEXEEYA. HEESTAN WAXAA ALIFAY ABWAANKA WEYN CABDI AADAN BADEY.
xalay baan dhagtaan iri , hurdadii markaan dhacay, ee aan dhinac u jiifsaday, igu qabatay dhabankoo. dhunkadaan is iri baan dhibicdeeda waayee.
Dhebed yahow adigaa dheelmada hameenoo, dheereeya socodkoo, dhulka kala yaqaanee.
waxay Dhudi ku nooshahay Dhudub & Gallaadiyo Ceelka Dhaqanyobooreed hawdka u dhaxeeya.
dhambaal aan u dirayaan kuugu dhiibayaaye , ula sii dhawoow.
ha soo dhoofto gabadhuye, dhaqso iiga gaarsii, oo ha soo dhaqaaqdo , waan dhowrayaaye habeen yeysan iga dhixin.
dhaqanka & caadada wey ku dhaadataayoo , dharka waxay ka xirataa saddex qayd dhalaashee. ayadoo dhalaanaa dhaay laga waraabshoo , lama kala dhantaaline, Rabi baa dhameeyee . ana labada dhaayood waxaan ugala dheygagay siday u dhigantee.
u sheeg waxaan la dhuub nahay waa dhibtii ay i marisee, oo ha soo dhaqaaqdoo, waan dhowrayaaye habeen yeysan iga dhixin.
dhankey iga jirtaabaa hadba dhuganayaayoo, wali waxaan dhaguugaa , iney soo dhawaatee. Adigaa dhadhaabtiyo dhirtu aney ku celinoo dhagaxyada dul marayee, hawl yari ku dhaafee. dhawaaqeyga maqaloo , ii dhigo abaaloo , ii dhago nugloow.
Show less
Негізгі бет LEGEND CABDI XASAN (DIGE) HEESTII DHUDI
Пікірлер: 32