Maamulka qalinjabiyayaasha Jaamacadda Muqdisho ayaa soo agaasimay barnaamijka Coffee with Alumni kiisii 20aad oo ka dhacay Nairobi, Kenya.
Kulanka oo uu ka qaybgalay guddoomiyaha Jaamacadda Dr Ibraahim Maxamed Mursal iyo masuuliyiin ka mid ah qalinjabiyayaasha Jaamacadda oo shaqo, deegaan ama waxbarasho ujooga Kenya, ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya jaamacadda iyo qalinjabiyayaasha, iyo sidii qalinjabiyayaashu uga qayb qaadan lahaayeen horumarinta bulshada iyo kor u qaadida tayada waxbarashada, cilmibaarista iyo caawinta ardayda kale.
Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyay xaaladda guud iyo horumarka jaamacadda, hiigsigeeda iyo halka ay u socoto, sidoo kale, ka qaybgalayaasha ayaa su'aalo waydiiyay mas'uuliyiinta jaamacadda, iyagoo soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan horumarinta Jaamacadda.
Barnaamijka Coffee with Alumni, waa barnaamij bille ah oo ujeedadiisuna tahay in ay qalinjabiyeyaasha Jaamacadda isku weydaarsadaan aqoon iyo waayo’aragnimo.
Qaybta Commenti-ga 𝐮𝐠𝐮 𝐲𝐞𝐞𝐫 𝐪𝐨𝐟 𝐣𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐲𝐞𝐲
#CoffeeWithAlumni
#KenyaChapter
#MUAlumni
Facebook: / mualumniclub
Twitter/X: / mualumniclub
Website: alumni.mu.edu.so/
Email: alumni@mu.edu.so/
Негізгі бет Kulanka Guddoomiyaha Jaamacadda & Qalinjabiyayaasha Kenya
Пікірлер