Wareysigaan waxaa uu ku saabsan yahay Macdanta iyo Shidaalka Soomaaliya, waxaana lagu wareystay Prof. Cabdi Maxamuud Siyaad oo ah Hormuudka Kuliyada Culuumta Seyniska. Wareysigu waxa uu ka kooban yahay; Taariikhda, mashariicdii uu ka soo shaqeyay iyo dadkii kala soo shaqeeyay Prof. Cabdi Maxamuud Siyaad. Qaybaha ay u qaybsanto culuumta Geology-yada, wax yaabihii uu kala kulmay mashariicdii uu ka soo shaqeyay iyo fursadihii jiray. Waayihii hore cilmi barisyadii la sameeyay iyo heerarkii laga gaaray dhanka macdanta iyo shidaalka iyo sabaha hada shidaalka badda looga baaraayo. Ka faa’idaysiga macdanta iyo shidaalka side ayey uga qayb qaadan karaan dib u dhiska dalka, dhibaatada ka dhalata soo saarista shidaalka iyo macdanta side looga badbaadi karaa. Dadkii ka shaqayn laha shidaalka iyo macdanta ma diyaarsan yihiin iyo sida loo diyaarin karo. Ugudambayn Prafasoorku waxa uu ka hadlayaa sida jiilkii hore iyo jiilkaan cusub ay u xiriiri karaan iyo dardaarankiisa ugu dambeeya.
Негізгі бет Macdanta iyo Shidaalka Soomaaliya
No video
Пікірлер: 31