Halkan ka akhriso muuqaalkan oo qoraal ah: gaaldiid.com/sermon/caalamka-d...
Jinku waa mid kamid Uunka Ilaahay abuuray, waxaan laga abuuray Naarta ama holaca dabka. Jinku waa noole leh Muslim iyo Gaalo kala duwan. Waxa barnaamijkani uu ka hadlayaa qabiil kamid ah Jinka oo la dhaho Jinkii reer Nusaybiin oo soo Islaamay kadibna warkii gaadhsiiyey qoomkoodii ayagoo u digaya uguna yaboohaya inay Ilaahay rumeeyaan iyo Kitaabka kadanbeeyey Towraadkii Nabi Muuse oo ah Kitaabka Quraanka. Waxaad kale ood ku maqlaysaa qiso ina tusaysa in Jinku isku shabihi karo Abeeso iwm. Waxaad kale ood maqli Qiso kale oo kawarramaysa Cimri dhererka Jinka. Nin la kulmay abeeso dhimatay kadibna maqlay haatuf ku leh Suraqoow Ilaahay hakuu naxariisto.
Waxa soo jeedinaya Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle
********************************************************
www.gaaldiid.com
www.jawaabo.com
Негізгі бет Qisadii Jinkii reer Nusaybiin ee soo Islaamay!! Caalamka Dahsoon ee Jinka 2 aad.
Пікірлер: 195