HEESTA: Wuu I Daadaheeyaa
ERAYADA: AUN Max'd Cumar Xuseen Huryo
LAXANKA: AUN SICIID HARAWO
LUUQADA: AUN Sahra Axmed Jaamac
LYRICS: DHUGMAALLYRICS
Qoraalka Heesta ( Lyrics )
Kolna Kama Dawooboo
Caashaqu Dareen Iyo
Hawl Igama Daayee
Markaan Door Ladnaadaba
Dib Wuxuu Ka Keenaa
Dakharriyo Xumaatee
Wuu I daadaheeyaa
Kol ii laba dibleeyaa
Iimana dulqaatee
Ayaa iga daweeyaa dadoow
Ayaa iga dul qaada alloow ?
******************************
Wuu I damac Halowshoo
Dirqiyaa Naftaydoo
Caashaqu I doorshee
Inuu Geedku Daran Yahay
Ergo looma Diran Karo
Dhul Uu degay taqaanee
Wuu I daadaheeyaa
Kol ii laba dibleeyaa
Iimana dulqaatee
Ayaa iga daweeyaa dadoow
Ayaa iga dul qaada alloow
***************************
Docna Ugama Bixi Karo
Dabinkuu I Galiyiyo
Dadabta Igu Xeerane
Ma Yidhaa Ka Daayoo
Warmaha I damqaayuu
Darayaa Naftaydee
Wuu I daadaheeyaa
Kol ii laba dibleeyaa
Iimana dulqaatee
Ayaa iga daweeyaa dadoow
Ayaa iga dul qaada alloow
#dhugmaal_lyrics #dhugmaallyrics #dhugmaal
Негізгі бет Музыка sahra axmed wuu idaa heya | wuu i Daadaheeyaa | kol ii laba Dibleeyaa | Iimana Dulqaatee
Пікірлер: 6